|

Marwo Faadumo Siciid oo Sheegtay in Xadhig Loogu Hanjabay Iyo Cabasho ay Gudbisay oo Wax laga qaban waayay DAAWO

Hargaysa 24. January 2018 (SDN/QJ):-Marwo Faadumo Siciid Ibraahin oo ka mid ah Saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa sheegtay in xadhig loogu hanjabay kadib markii ay ka cabatay Maamulka dawlada hoose ee Caasimadda Hargaysa oo Gurigeeda magaalada hargaysa wado ku soo furay sida ay xustay.

Marwo Faadumo Siciid oo maanta u Waramaysay Telefishanka Eryal ayaa sheegtay in aanay garanayn Sababta ay Maamulka dawlada hoose gaar ahaan Maayar C.raxmaan Maxamud Caydiid Solteco u bartilmaameedsanayo.

Comments are closed