Hargaysa 19.Nov 2013 (SDN) Xoghaya Maaliyada Ee Xisbiga Ucud Marwo Faadumo Siciid ayaa Maanta Si Kulul uga Jawaabtay hadalo Ka soo yeedhay Agaasimaha Samafalka wasaarada dib U Dajinta Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Diiriye.
Xoghaya Maaliyada Ee Xisbiga Ucud Marwo Faadumo Siciid Ibrahin Waxay Sheegtay in Aamina Maxamud Diiriye Oo Xukuumada U Qaabilsan Samafalka wasarada dib U dajinta,ay doraad cadaysay Inay ka soo hor Jeedo Dooda Qaran Oo ay Ku Baaqeen Labada xisbi Mucaarid Ee Wadani Iyo Ucid Isla markaan Faadumo Siciid tahay ku Xigeenka Gudoomiyaha Qabab Qaabada Dooda Qaran,Isla markaana ay Si baxsan Anshaxa Suuban ee Diinta Islaamka uga Hadashay Waxqabadkii alle ha U Naxariistee Dr Idiris Ibraahin oo ahaa Odaygeedii soona qabtay Xilka Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadii hore.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Jawaabta Faadumo Siciid
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/FaadumoSiciidjn.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
