Uncategorized

Marwo muna maxamed dahir oo lakulantay qaar kamida ardayda jaamacadaha Addis Ababa

Adis Ababa Nov 15,2012(SDN)-Muna maxamed daahir oo kamida qurbajoogta reer Somaliland ee u firfircoon hawlaha samafalka iyo horumarinta bulshada ayaa waxay in muddo ahba hawlaha horumarka kawaday dalka jarmalka halkaas oo ay iyadu degen tahay, waxaanay muna ka tirsantahay urur samofal oo kajira dalka jarmalka magaciisana layidhaahdo (haldoor).

Haddaba Muna oo muddo shan sano ah dalka dibadda uga maqnayd ayaa waxay bishii ugu danbaysay socodaal ku galaa bixinaysay meelo kamida qaarada Africa, waxaanay socdaalkeedaasi kusoo gabagabaysay caasimadda dalka Ethiopia, ahna xarunata midawga Africa ee addis ababa, halkaasi oo ay uga sii duushay qaaradda Yurub, haddaba intii muna aanay kaduulin Addis Ababa waxay lakulantay qaar ka mida ardayda jaamacadaha ka dhigata magaallada Addis Ababa,Shirkan ama kulankan oo Todobaadkii ina dhaafay ka dhacay hotel Curubo ee magaalada Addis Ababa, ayaa ugu horayba waxaa shirkaasi ka hadlay Suldaan Yuusuf oo cilmiga sociology and anthropology kadiyaariya jaamacada UNITY UNIVERSITY , waxaana Yuusuf uu ka warbixiyay xaaladda guud ee ay ku suganyihiin ardayda waxkabarata dalkan Ethiopia, iyo sida ay isugu duubanyihiin isuna caawiyaan goorkaste iyo goobkaste, sidoo kale waxaa kulan kahadlay mukhtaar yuusuf cirro, oo isna sii xoojiyay warbixintii ardayda ee yuusuf bixiyay, isgoo ku dheeraaday horumarka fiican ee ardaydu ay sameeyeen.
Ardaydan oo ka kala socotay kuliyadaha kala duwan ee jaamacadaha kuyaal caasimadda addis ababa ayaa dhamaantood cabiray dareenkooda ku waajahan shirkan lagaga hadlayay horumarka bulshada.
Si kastaba ha ahaatee gabogabadii shirkaasi ayaa waxaa hadal kajeedisay muna maxamed daahir, iyadoo ardayda jaamacadaha ku ammaantay kuna hambalyaysay sida quruxda badan ee ay iskugu xidhanyihiin, dhicakale waxay muna ardayda kula dardaarantay inay sii wadaan isku duubnida iyo midnimdooda , muna waxay intaasi raacisay talo kuwaajahan inay aqoonyahanadu ku dadaalaan qalinka iyo waxqorista.
Muna maxamed daahir ayaa noqonaysa haweenaydii ugu horeysay ee qubooga reer Somaliland ah ee kulan laqaadata ardayda jaamacadaha addis ababa marka latago wasiirada iyo xildhibaanada Somaliland ee ay horey ula kulmi jireen ardayda reer Somaliland.
Ugu dabayntii shirkaasi ayaa kusoo gabogaboobay jawi farxad iyo rayn rayn ah.
SDN-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com