|

Masar oo maanta la guddo galay Ololaha Dooroshooyinka Madaxtinimo

Qahira April 3012(SDN)-Dalka masar waxa maanta ka bilowday ololaha doorashada,iyada oo ay saddex todobaad ka hadhsan tahay waqtiga loo qoondeeyey inay doorashadu ka qabsoonto dalkaasi.

doorashadan oo noqonaysa tii ugu horaysay ee dalka masar ka qab-soonta tan iyo markii la riday maamulkii madaxweynihii hore ee dalkasasi xusni mubaarik bishii febarweri ee kall hore ayaa waxa todobaadyadii la soo dhaafay ka aloosnaa muran xoogan  oo ka dhashay  murashaxiinta  ay guddiga sare ee doorashooyinku ay  ka diiday dalabkoodii ahaa inay ka qayb galaan  tartanka doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.

War-fidiyeenadu waxa ay sheegayaan , in loolanka  madaxtinimadda  doorashada soo socota  ay ugu  xoogan yihiin raga ku tartamaya Xog-hayihii Guud ee hore ee Jaamacada carabta Camar muusa iyo Murashaxiinta islaamiyiinta ah ee kala ah:C/muncim abul-futuux  iyo  muxamed Marsi.

Dhinaca kalena Golaha sare ee milateriga  ka taliya dalka masar ayaa waxa  uu golaha baarlamaanka dalkaasi gaadhsiiyey  war gelin ku saabsan in  waqti dhow la samayn doono isku shaandhayn golaha wasiirada ah, wakiilka golaha shacabka  Asharaf saabit, ayaa isna u sheegay warbaahinta in shaandhayntan golaha xukuumadda ay saamayn doonto  wasiirada oo keliya, balse aanu shaandhaynta  ku jirin Ra’isal wasaaraha ku meel gaadhka ah Kamaal al-jasuuri.

 SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed