|

Duqa iyo Gollaha Degaanka Hargeysa oo Qaabilay Xildhibaanad ka tirsan Gollaha Degaanka Stokholm

Hargeysa April30,2012(SDN)-Maayor-ka Caasimadda Hargaysa Engineer Xuseen Maxamuud Jiciir oo ay weheliyaan golaha deegaanka Hargaysa ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaanad Ifraax Cali Kirix oo ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Stokhlom ee dalka Sweden iyo suxufiyiin la socday.

Mayor-ka caasimadda iyo golaha deegaanku waxay xildhibaanada u sharaxeen qaabka ay gole ahaan u dhisan yihiin, waajibaadka ay u xilsaaran yihiin iyo sida ay u shaqeeyaan.

Dhanka kalena xildhibaanad Ifraax cali kirix ayaa golaha deegaanka Hargaysa uga waramay ujeedada socdaalkeeda ay ku timid dalkan JSL.

 SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed