Uncategorized

“Mashaariicda waxa cayimaya cida lacagta la siinayo, Somaliland-na waxa la siinayaa awooda ah in ay go’aansato waxa la siinayo” wasiir sacad Cali.

Hargaysa:19-Sep-2013(SDN)-Dawladda Somaliland, ayaa markii ugu Horraysay soo dhawaysay qorshaha ay midawga Yurub  Somaliland ugu qoondeeyeen in ay gaarkeeda u helayso qaybta ay xaqa ugu yeelatay deeqaha horumarineed, sida lagaga dhawaaqay shirkii 16-kii bishan ka dhacay magaaladda Brussels ee caasimada dalka Belgium.

 

sacadyareWasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo horumarinta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo  arrintan kala hadlay  warbaahinta, ayaa sheegay in qorshahan cusub ee loo yaqaano New Deal  uu yahay mid la doonayo in lagu maal-geliyo dawladaha soo koraya, isla markaana uu nidaamkani aad uga duwan yahay qorsheyaashii hore ee gargaarka.

 

Isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Arrintaasi aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynaynaa, nidaamkan cusub ee la isla waafaqay ee la yidhaahdo New Deal, waa hab la doonayo in lagu maalgeliyo mashaariicda dawladaha yar-yar ee soo koraya, waxaana saldhig u ah in la haanshaha mashaariicda ay yeeshaan dadka loo samaynayaa, halka markii hore ay hay’aduhu go’aamin jireen, mashaariicda, imika mashaariicdii cid la siinayo iyada ayaa sheeganaysa waxa ay doonayaan, waxa kale oo ka mid ah waxyaabaha uu nidaamkani kaga duwan yahay kii hore, deeq bixiyayaasha iyo deeq la siiyaha labaduba si wada jir ah ayay uga wada-hawl gelayaan, daba galkiisa iyo xaqiijintiisa. lacagtan waxa logu talo galay in lagu caawiyo wadamadda loo yaqaano kuwa soo koroya. Mashaariicda waxa cayimaya cida lacagta la siinayo ee loo hayn maayo, Somaliland-na ayaa la siinayaa awooda ah in ay go’aansato waxa la siinayo”.

 

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in nidaamkan cusub ee deeqaha ay midawga Yurub ku maamulayaan ay meelo gaar ah u qorsheeyeen in wax lagaga qabto “Waxaana saldhig u ah nidaamkan cusub shan qodob oo shaqadiisu inta badan ku aadan tahay, meelaha uu abaarayana waxa ka mid ah madaxbanaanida siyaasadda, ama dhismaha siyaasadda, nabadgeliyadda, cadaaladda, bangiyadda iyo dhaqaalaha iyo adeegyadda bulshada, cashuuraha, waxyaabahaasi ayaa saldhig u ah mashaariicdan” ayuu yidhi wasiirku.

Somalidiasporanews.ocm

Contact@somalidiasporanews.com