Burco 17.Sep 2013 (SDN)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiisii oo socdaal shaqo ku jooga gobolka Togdheer, ayaa maanta dhagax dhigay sadex dugsi waxbarasho oo laga hirgelinayo magaaladda Burco, kuwaasi oo laba ka mid ahi yihiin dugsiyo sare.
Dugsiyadan ayaa laga kala hirgelinayaa xaafadaha Saleeban kulul iyo Xaafada October oo u madaxweynuhu dhagax-dhigay, sidoo kale madaxweynuhu wax au dhagax dhigay Dugsi hoose dexe ooo loogu tallo galay xaafada Maxamed Cali ee magaaladda Burco.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu isla maanta kormeer ku tagay dhismaha wadada hawsheedu socoto ee isku xidha magaalooyinka Burco, Oodweyne iyo Caasimadda Hargeysa, waxaanu ku wareejiyay afar cagaf oo wakaaladda waddooyinka ee wasaaradda madaxtooyaddu ugu tallo-gashay in lagu dhiso jidkaasi.
Hadaba waxaan halkan idiinku soo Gudbinaynaa Weedhihii iyo Khudbadihii laga Jeediyay Goobaha uu Madaxweynaha iyo Weftigiisu soo Kormeereen.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/KormeerSiilaanyo17s.mp3″]
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso Khudbadaha kala duwan ee Kormeerka Madaxweyne Siilaanyo
Burco SDN.
Qurbejoog.com
