Uncategorized

Mas’uul Xil ka hayay Xisbiga Ucid oo Shaaciyay inuu Is casilay,iyo Saluug uu ka Muujiyay Hadalkii Gudoomiye Faysal

Hargaysa 07.Jan 2014 (SDN)- Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada Abdi M.Saleiman(Mingiste) ayaa Qoraal uu soo Saaray Waxa uu ku Sheegay inuu iska Casilay Xilkii uu ka Hayay Xisbiga Ucid isagoo Saluug ka Muujiyay Qaabka uu Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe uga hadlay in Xisbiyada Mucaaridku ay Wada hadalo furan la samayn doonaan Somalia.

mingisteQoraalka Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada ayaa u dhignaa Sidan”-

 

Ujeedo :- Iska casilaad Xilkii Xoghayaha Arimaha Gudaha ee aan ka hayey Xisbiga UCID iyo Xubinnimadiiba

(Runtii waa wax lala yaabo,hadalka Gudoomiyaha  Xisbiga UCID,ee ah  Xisbiyada Macaaridka ah waxay  wada hadalo la furayaan  Dowlada Soomaaliya. Waxaan qabaa in ay haboonayd in marka hore Xisbi ahaan in laga wada tashada,inta lagu dhawaaqin hadalka)

Ka dib markaan la tashaday  taageerayaashayda. Siyaasadeed.

Ka dib markaan arkay in ay  gebi ahaanba meesha ka baxday wada tashigii?wada shaqayntii  iyo istixgelintii Xisbinimo.

?        Ka dib markaan arkay in Xeerarkii ? qabdhismeedkii  Xisbiga UCID  ay noqdeen qaar jeebka ugu jira shaqsiyaad gaar ah.

Waxaan go´aansaday in maanta oo taariikhdu tahay   06.01.2014   aan si rasmi ah isaga casilo Xilkii  aan ka hayey Xisbiga UCID ee Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka  Gobolada, Xilkii Guddida Fullinta iyo Xubinnimada Xisbiga  oo la ii magacaabay  12.07.2012.

Ugu dambeyn waxaan halkan uga mahad celiyaa dhamaan  taageerayaasha Xisbiga UCID   meelkasta oo ay joogaanba ,wada shaqaynay mudadii aan Xilka hayey.

 

ALLAA                   MAHAD                 LEH

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada Xisbiga UCID

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com