Uncategorized

Baarlamanka Punt land oo Beri u Balansan Cod u Qaadista Mas’uulkii Hogaamin lahaa Shanta Sanno ee Soo Socda iyo Madashii Maanta Daawo

Garowe 07.Jan 2014 (SDN)- Musharixinta xilalka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland ayaa maanta khudbooyin kala duwan ka jeediyey hoolka shirka ee Golaha Wakiiladda Puntland ee caasimadda Puntland ee Garowe.

Ilaa 11-Musharax oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland uu ku jiro Madaxweynaha hada xilka haya Dr. Cabdiraxman Sh. Maxamad Farole iyo ilaa 10-Musharax oo ku tartamaya xilka Madaxweyne ku xigeenka uu ku jira Madaxweyne ku xigeenka hada xilka haya Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta Baarlamaanka Puntland hortiisa ka akhriyay khudbado iyadoo Guddiga Doorashada uu ku soo koobay wakhtiga khudbooyinka 15-daqiiqo Musharax kasta.

Sh. Cabdi Nasir ayaa kulankii maanta ku furay Aayado Qur’aanka Kariimka ah, ka dibna Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa shirkii si rasmi ah u furay, isagoo sheegay in dhammaan Musharixiinta madasha jooga ay buuxiyeen shuruudihii laga rabay.

Musharixiinta ayaa khudbooyinkooda kaga hadlay taariikh noleedkooda iyo barnaamijkooda waxqabad, Guddiga Doorashadana aad ayuu u ilaaliyay wakhtiga loo qorsheeyey khudbooyinka.

Nidaamka khudbooyinka ayaa u qabsoomay si wanaagsan, waxaana maamulka guud hagayay Guddiga Doorashada iyo gudoomiyahooda Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad, iyadoo ay goob joog ahaayeen Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland Sicid Xasan Shire, Gudoomiye xigeenka 1aad Cabdixamid Sh. Cabdisalam iyo Gudomiye xigeenka 2aad Xaaji Huseen Dirie, saxaafadda madax banaan iyo marti sharaf badan.

Dhammaan madaxda Puntland iyo musharixiinta way fadhiyeen inta lagu guda jiray khudbooyinka Musharixiinta oo gaaraya 20-musharax guud ahaan.

Markii ay soo dhamaatay khudbadaha Musharixiinta waxaa goobta ka hadlay Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), wuxuna sheegay inay si wayn ammaanka caasumadda Garowe u ilaaliyeen wixii caawa ka danbeeyana aysan jiri doonan gaadiid isticmaalo wadada xariirisa Garowe iyo Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa sheegay inuu shirka xiran yahay maalinta barito ahna la gudo gali doono doorashada madaxtiniandda Puntland, wuxuna sheegay howsha inay sii wadi doonan Guddiga Doorashada oo u madax u yahay Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad.

Ammaanka caasumadda Garowe ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waa wayn iyo kuwo yar yar ee dhexmara xaafadaha lagu arkayaa ciidamada Dowladda Puntland.

Maalinta berito [January 8, 2014] ayaa loo balansan yahay in 66-xubnood ee Baarlamaanka Puntland u codeeyaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cusub oo hogaamin doonaa Dowladda Puntland shanta sano ee soo socota, hadii Alle idmo.

1_1_1 1_34 2_1_1 2_31 3_26 4_1_1 4_28 6_27 7_26 10_1_1 10_19 12_1_1 12_16 13_15 15_9 17_9 18_8 160-450x342

Garowe SDN.

Qurbejoog.com