Hargaysa 04.July (SDN) Waxaa Maanta la soo daayay Mas’uuliyiintii Wargayska Hubaal oo Shalay Maxkamada Gobolka Hargaysa ay ku riday Xukuno iyo Ganaax kala duwan .
Bayaan ay soo saaren Saxaafada Madaxa banaan ayaa soo dhaweeyay talaaban iyagoo u mahadceliyay Wasiirada Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha oo door Muuqata ka Ciyaaray dib u soo Celinta Xoriyada labadan Suxufi bayaankaasi waxa uu u dhignaa Sidan:- “ Saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland waxay shaacinaysaa inay ku Guulaysatay maanta in Damaanad lagu sii daayo Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Tafatiraha Wargeyskaasi Xasan Xuseen Cabdilaahi (keef-keef) oo maalintii shalay Xabsiga loo taxaabay.
Labadan Wariye ayaa maanta Damaanad ay ku sii daysay Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodijeex, ka dib markii Qareenada u doodayaa Rafcaan ka Qaadatay Xukunkii ay shalay Maxkamada Gobolku xubnahaasi ku riday.
Saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland waxay u mahad naqaysaa Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Maroodijeex Cabdirashiid Maxamed Maxamuud (Duuraan) oo aqbalay in Labadaasi suxufi ay Damaanad Xasbiga kaga baxaan Racfaankooda la dhagaysto iyaga oo dibada jooga.
Saxaafada Madaxabanaan waxay sidoo kale u mahad naqaysaa Xukuumada Somaliland gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo ka qayb qaatay sidii xal loogu heli lahaa xadhiga Suxufiyiintan.
Ugu dambayntii Warbaahinta Madaxbanaan iyada oo ku Baraarugsan Xilka Qaran ee Saaran iyo xaalada Guud ee Somaliland waxay ay sii wadaysaa Wadahadalada ay kula jirto Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, si Xal waara loogu helo is af-garanwaaga taagan, loona Sugo ku dhaqanka Sharciga iyo Sugnaanta Dumuquraadiyada Somaliland.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
