|

Maxaa wasiir Xaabsade ka reebay weftigii Xukuumadda Somaliland u dirtay ka qaybgalka shirka Somalia ee ka furmaya Istanbul?

Hargeysa 30, May 2012 (Qurbejoog.com)- Dawladda dalka Turkiga, ayaa diiday in weftiga Somaliland ka socda ee Istanbul kaga qaybgalay shirka Somalia, ay wadankeeda ku galaan baasaboorka Somaliland.

Weftiga oo shalay ka dhoofay madaarka Berbera, waxa ka hadhay wasiirka Hawlaha Guud Mr. Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ahaa guddi afar wasiir ah oo Madaxweyne Siilaanyo u xulay ka qaybgalka shirka Somalia ee beri ka furmaya dalka Turkiga.

Saddexda xubnood ee kale ee shirka ka qaybgalay oo kala ah; wasiirada Khaarajiga Maxamed Cabdullaahi Cumar, Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire iyo Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale, waxay dhamaantood sitaan baasabooro ajaanib ah, iyado Xaabsadena uu noqday masuulka keliya ee guddigaas lagu daray ee sita baasaboorka Somaliland.

In Xaabsade shirkaas ka baaqdo, waxa sabab looga dhigay baasaboorkiisa Somaliland, kaasoo ay dawladda Turkigu diiday inay saarto fiisaha dal-ku-galka.

Dawladda Somaliland ilaa hadda kamay hadal sababta ay dawladda Turkigu u diiday inay ogolaato in wasiir Xaabsade dalkeeda ku galo baasaboorka Somaliland, sidoo kalena wax war ah kama soo saarin ka baaqashadiisa socdaalkaas.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed