|

Maxkamadda ICC oo xukun culus ku riday Madaxweynihii hore ee Liberia

The Hague 30, May 2012 (Qurbejoog.com)- Maxkamadda Dambiyada dagaalka ee ICC, ayaa Arbacada maanta gunaanaday dacwaddii loo haystay Madaxweynihii hore ee Liberia Mr. Charles Taylor.

Dacwadda oo muddo dheer soo socotay, waxay Maxkamadda ICC ku soo gunaanaday 50 sannadood oo xadhig ah oo ay ku riday Charles Taylor oo lagu helay inuu caawiyay jabhad dambiyo dagaal ka geystay dalka ay deriska yihiin ee Sierra Leone.

ICC waxay dambiyadaa dagaal ee jabhada Sierra Leone geysatay ku tilmaantay kuwii ugu xumaa taariikhda, kaasoo socday 11 sannadood, ka hor intii aanu 2002 joogsan.

Mr. Taylor oo 64 jir ah, waxa uu xukunkiisa ku qaadan doonaa xabsi ku yaala dalka Ingiriiska.

Hase yeeshee, qareenada difaacayay waxay sheegeen inay racfaan ka qaadanayaan xukunka lagu riday hoggaamiyihii hore ee Liberia Mr. Charles Taylor.

Xukunka ICC ee Mr. Taylor waxa uu noqonayaa kii u horeeyay ee lagu xukumo hoggaamiye dal, ka dib kooxdii Nazi-ga ee dagaalkii labaad ee Adduunka.

Dagaalka ka dhacay dalka Sierra Leone, waxa uu qiyaastii galaaftay konton kun (50,000) oo qof.

Qurbejoog.com, Hague

Comments are closed