|

Maxkamad ku taallo Magaalada Nairobi oo xukun dal dalaad ah ku riday nin xaaskiisa dilay

Nairobi,30sep,2015(QJ/SDN)-Maxkamad ku taallo Magaalada Nairobi, ayaa shalay oo tallaado ah waxa ay xukun dal dalaad ah ku riday nn horay u dilay u dilay xaaskiisa, xilli eedeysanahan uu ka soo hor muuqday maxkamada.

Dambiilahaan oo lagu magacaabo Bernard Mwenga Wilson ayaa dilka xaaskiisa u adeegsaday toori, isaga oo uga dhuftay ilaa 23 meelood oo jirkeeda ka mid ah.

Garsooraha maxkamada oo lagu magacaabo Luka Kimaru ayaa amar ku bixiyay in Mr Wilson la Dal dalo kadib markii lagu helay dambiga uu galay.

Sababta ka dambeysay dilka ninkaan uu xaaskiisa u geystay ayaa waxa ay tahay inay ku wada murmeen Taleefoonka gacanta, kadibna taasi ay sababtay in uu Xaaskiisa u adeegsado tooreey uu ku dilo.

Ninkaan Xaaskiisa dilay ayaa waxa ay u dhashay saddex caruur ah, wuxuuna dilkan dhacay October 28, 2010, xilliga ninkan xaaskiisa uu dilaayay waxa ay ku wada sugnaayeen goob dumarka lagu qurxiyo oo haweenayda la dilay ay ka shaqeynaysay.

Ehelada Gabadha laga dilay, ayaa soo dhaweeyay xukunka dal dalaada ah ee maxkamada Magaalada Nairobi ay ku riday.

Ninkan la xukumay ayaa wuxuu haystaa muddo 14 maalmood ah oo xukunka lagu riday racfaan uu kaga qaadan karo.

Comments are closed