|

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Ka Hadlay Sababta Uu Uga Hadhay Wafdigii Madaxwaynaha Ee Safarka Ubaxay.

wasiir biixiHargeysa,30sep,2015(QJ/SDN)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Ee Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis ayaa markii u horeysay ka hadlay asbaabta keentay in uu ka mid noqon waayo weftigii Madaxweynaha Somaliland ee dhawaan u baqoolay wadanka dibadiisa, kaasi oo aanu wasiirku xubin ka noqon sidii caadada ahayd. Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay  in sababta uu uga hadhay weftigu ay tahay olole siyaasadeed oo la xidhiidha shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE  oo la qorsheeyay inuu qabsoomo 10-ka bisha November ee sanadkan.  Maxamed Biixi, waxa uu sheegay in sababta  uu uga hadhay weftiga madaxweynahu,  ay tahay arrin qaran, taas oo ah  sidii uu dalka ugu soo dhawayn lahaa isla markaana u qaabili lahaa wefti  ka socda shirkadda Mediterranean Shipping Company oo dalka yimid Isniintii todobaadkan, shirkadaasi oo ka mid ah dhawr shirkadood oo u heellan inay maalgashadaan dekedda Berbera.

Wasiir Biixi, oo xalay Warbaahinta DAWAN Media ee afka Xukuumadda Somaliland ku hadasha Waraysi gaar ah siiyey isagoo ku sugan magaaladda Hargeysa waxa uu tilmaamay in ay isku soo beeg-meen bixitaankii wefiga madaxweynaha iyo imaatinka weftigan ka socda shirkadda Mediterranean Shipping Company oo hore  qorsheeyay in isagu uu qaabilo.

Maadaama oo ay jirtay casuumad ay Somaliland u fidisay shirkadaasi, sidaas darteedna uu isagu u joogay sidii uu u soo dhaweyn lahaa. Waxaanu intaas ku daray isaga iyo xubno kale oo Wasiirro ahi ay maalmaha soo socda ka daba tegayaan weftiga madaxweynaha.

 

 

Waxa kale oo uu sheegay in safarka uu madaxweyne Siilaanyo ku tegayo dalka Ireland ay ka soo shaqaysay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, taasi oo uu ku tilmaamay mid ay ku doonayaan xidhiidh wanaagsan oo dhex mara Somaliland iyo Jamhuuriyadda Ireland.

 

wasiirka-arrimaha-dibada-21Isagoo faahfaahin ka bixinayay socdaalka madaxweyne Axmed Siilaanyo  ku tegayo  Irland, waxa uu yidhi “Wasaaradda khaarajiga Somaliland ayaa ka soo shaqaysay arrintaasi oo madaxweynaha Ireland inuu casuumad soo siiyo dawladda Somaliland iyo madaxweynaha Somaliland. markaa wasaaradda khaarajiga ayaa casuumadda uga soo qaban qaabisay madaxweynaha Ireland, in  uu soo casuumo madaxweynaha Somaliland.

 

Aniguna waan tegayaa, oo marti-qaadka uu madaxweynaha Jamhuuriyada Ireland u fidiyay, waxa weeye marti-qaad aad u balaadhan, oo aanu doonayno in aanu cilaaqaad cusub kula yeelano dawladda Ireland”.  Waxa uu sheegay inay la kulmi doonaan madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Ireland iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi, iyo sidoo kale jaaliyadda reer Somaliland ee degan Ireland. “Waxaanu la kulmi doonaa madaxweynaha iyo wasiirka khaarajiga ee Jamhuuriyadda Ireland.  Waxa kale oo aanu la kulmi doonaa ganacsatada iyo qolooyinkii nabadda ka shaqayn jiray ee Ireland, iyo qaybaha bulshadda rayidka ah ee Irland. Waxa kale oo aanu la kulmi doonaa  jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Ireland, waxaanu tegaynaa magaaladda caasimadda ah ee Babbling” ayuu yidhi wasiir Biixi.

 

Maxamed Biixi ayaa intaasi ku daray in isaga iyo xubno kale oo wasiirro ahi ay maalmaha soo socda ka daba tegayaan weftiga madaxweynaha, oo ay kaga biiri doonaan magaaladda Dubai oo ay hadda ku sugan yihiin weftiga madaxweynuhu, isla markaana la qorsheeyay inay afarta bisha soo socota u amba baxaan Ireland. Waxaanu yidhi “Waan ka daba tegayaa weftiga madaxweynaha, waxaanan ku biiraynaa aniga iyo xubno kale oo wasiirro ahi maalmaha soo socda, afarta bisha October ee soo socota ayaanu ka baxaynaa Dubai”. Mar uu ka hadlayay arrinta maalmahan sida weyn la iskula dhex-marayay ee ah sababta uu weftiga madaxweynaha uga hadhay,  waxa uu yidhi “Wax allaale iyo  wax ka jiraa arrintaasi ma jiraan.  Waxaan u hadhay waxay ahayd, oo aan imikana la joogaa oo aanu caawa (xalay) casho u samaynay wefti balaadhan oo ka socda shirkadda la yidhaahdo Mediterranean Shipping Company oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn caalamka, ee danaynaya dekedda Berbera  inay maalgashadaan.

 

Weftigaasi oo tegay magaalooyinka Berbera iyo Tog-wajaale, ayaanu shirar la lahayn aniga iyo wasiirka qorshaynta iyo wasiirka hawlaha guud. Markaa maadaama oo aanu anagu soo marti qaadnay weftigan ka socda shirkaddaasi, waanu ka wada tegi kari waynay. markaa waxaan u joogay shaqadda qaranka, oo ah in aanu dalka ku soo dhawayno dadkaasi aadka u jecel inay ka soo qaybgalaan tartanka dekedda Berbera. arrimo laga tegi karro may ahayn, markaa sidaas ayaan u joogay.”  Waxaanu intaasi ku daray “Weftigani waxay dalka yimaadeen Isniintii todobaadkan, waxay tegeen Berbera, waxaanu geynay magaaladda Tog-wajaale si ay u arkaan jidka iyo xuduudka, maanta (shalay) ayay ka soo noqdeen, caawa-na (xalay) aniga iyo wasiirradda qorshaynta iyo hawlaha guud shirar ayaanu la lahayn, galabta ilaa hadda.  Markaa taa awgeed ayaan uga joogay in aan raaco maalintii uu baxayay weftiga madaxweynuhu”ayuu yidhi Md. Biixi.

 

Wasiirka arrimaha dibadu waxa uu sheegay in shirkadda Mediterranean shipping company ay ka mid tahay shirkaddo doonaya inay maalgashadaan dekedda Berbera. “Mediterranean shipping company waxay ka mid tahay dhawrka shirkadood ee waaweyn ee rabba inay maalgashadaan dekedda Berbera, ee u tartamaya.”

 

Comments are closed