|

Maxkamad Mareykanka ku taal oo Rag Soomaali ah Burcad-badeednimo ku heshay

Virginia Feb 28,2013(SDN)-Maxkamad Mareykanka ku taal ayaa Burcad-badeednimo ku heshay shan ruux oo Soomaali ah oo sanadii 2010kii weeraray markab dagaal oo ay ku khaldeen mid xamuul.

Shanta nin oo la socdey dooni yar aya rasaas ku riday USS Ashland,ka dibna weerar rogaal celin ah oo ay la kulmeen lagu gubay doontoodii.

Weerarka ay Burcadu ku qaaday Markabka dagaal ayaa sidoo kale waxa ku dhintay mid ka mida Burcadii Soomaalida.

USS Ashland ayaan weerarka wax khasaaro ahi ka soo gaarin,gacanta ku dhigay giddi Burcad badeedii Soomaalida.

Bishii November ee sanadii 2010kii ayaa hogaamiyihii Burcadani lagu helay denbi ahaa Burcad-badeednimo.

Ragan shalay lagu helay danbiga Burcadnimada ayaa xukunkoodu dhici doonaa bisha July,waxaana dhici karta in xabsi toban sanadooda lagu rido.

“Ragani waa Burcad-badeed,waxaana ay weerareen markab iyaga oo doonayay in ay madaxfurasho malaayiina ka qaataan”sidaa waxa yiri xeer ilaaliyaha Mareykanka u qaabilsan Bariga Virginia Neil MacBride.

Inkasta oo Burcadnimadii Soomaalida ay mudooyinkan danbe hoos u dhacday,hadana waxa gacanta Burcada Soomaalida ku jira 139 ruux iyo sideed markab oo ay la socdeen la heysteyaasha.

SDN-Virginia
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed