|

Musharaxa Xisbiga UCID Jamal Cali Xuseen oo Khudbad ka hor jeediyay aqalka looga taliyo Minnesota, USA iyo xubnaha golahaas oo sheegay in aanay hore u maqal xog ku saabsan Somaliland ayse aad ula dhaceen(SAWIRO)

Minnesotta Feb 28,2013(SDN)-Martiqaad gaar ah oo uga yimid xisbiga Jamhuuriga (Republican Party) awgeed waxa uu Musharaxa Madaxweynenimada ee xisbiga UCID, mudane Jamal Cali Xuseen la kulmay dhamaan xubnaha golaha wakiilada ee labada xisbi ee Republican-ka iyo Demuqraadiga maalintii ay taariikhdu ahayd Isniin, 25kii February, 2013.

Waxa uu Mudane Jamaal qudbad gaaban ka hor jeediyay golaha wakiilada iyada oo ay u dhan yihiin dhamaanba 167 xubnood ee golahaas xubnaha ka ahi.

Mudane Jamaal waxa uu uga waramay nabada iyo dimuqraadiyada ka jirta jamhuurida Somaliland iyo sida ay uga gedisan tahay dalalka kale ee ay deriska la tahay.

Waxa uu sheegay Mudane Jamaal in ay hadda S/land marayso madaxweynihii afraad ee loo doorto six xor ah tan iyo mudadii lagu dhawaaqay gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland oo haatan laga joogo mudo ka badan 21 sanno.

Qudbadaas kadib waxa uu si gaar ah ula sheekaystay horjoogaha golaha wakiilada (Speaker of the house), Mr. Paul Thissen, oo kazoo jeeda xisbiga Dimuqraadiga. Waxa kale oo uu Mudana Jamal Cali Xuseen la kulmay xubnaha guriga guurtiga (Senate) ee Minnesota, halkaas oo si aad ah looga soo dhaweeyay.

Comments are closed