|

Maxkamada Urdun oo Askari Dalkaasi u Dhashay Ku Xukuntay Xabsi Daa’in, Maxaa Sababay in Xukunkaas lagu rido

Jordan 21. July 2017 (SDN/QJ):- Maxkamada ku taal dalka Urdun ayaa askari reer Urdun ah ku xukuntay xabsi daa’in, askarigan ayey maxkamadu ku heshay inuu diley saddex askari oo ahaa tababarayaal Maraykan ah sannadkii hore oo ku diley meel ka baxsan saldhig milatari oo ay hawl tababar ka wadeen.

Maxkamada Milatariga ee Camaan ayaa askarigan 39 jirka ah ku heshay caddaymo ku filan, ka dib markii uu toogasho ku diley saddexdan tababare oo doonayey inay galaan saldhiga boqor Faysal ee Al-Jafra oo ku yaala  koonfurta Urdan afartii bishii Noovambar ee sannadkii hore. Dalka Urdun xabsi daa’inku wuxuu ka dhigan yahay 20 sannadood inuu qofku xidhnaado.

Isla bishaasi Noovambar waxa ay maxkamada Urdun xukuntay kooxo argagixiso ah oo tacshiirad ku furay kolono gawaadhi ciidan Maraykan ah oo sii gelayey meel saldhig ah. Dalka Urdun wuxuu hoy u yahay laba kun iyo laba boqol oo askar Maraykan ah, waxaanu xulufo weyn la yahay Maraykanka oo ay ku wada jiraan is-bahaysiga uu Maraykanku hogaaminaayo ee dagaalka kula jirta kooxda Khilaafada Islaamiga ah ee ISIS ee dagaalada ka wada dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

 

Ciidamada Maraykan ah ayaa tababaro ku siiyo dalka Urdun qaar ka tirsan jabhadaha ka dagaalama Suuriya iyo ciidamada amaanka ee Falastiiniyiinta. Ninkan xukunku ku dhacay wuxuu maxkamada horteeda kaga qirtay inuu rasaasta furay oo uu maqlay shanqadha rasaas dhacday oo u malaynayey in saldhiga la soo weeraray, balse aanu u kas ugu furin tababarayaasha Maraykanka.

Looyarka diyaacayey ninkani ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunka.

Comments are closed