|

Hindiya: Qoys Muslim Ah Oo Dil Iyo Dhac Lagula Kacay Iyaga Oo Saaran Tareen !

Delhi 21. July 2017 (SDN/QJ):- Qoomiyadaha kala Duwan ee ku  wada nool Dalkaasi Hindiya ayaa waxa had iyo jeer ka dhexeeya Caddaawad aad u darran, iyagoo isku collaadiya diimaha kala duwan ee ay aaminsan yihiin, haddaba waxa ka dhacay gobolka Uttar Pradesh ee waqooyiga Dalkaasi arrin aad u fool xun oo ah Dil iyo boob lagula kacay Qoys Muslimiin ah oo saarnaa Tareenka u kala goosha gudaha Gobolkaasi Uttar Pradesh.

 

 

 

Jarriidada The Hindo ee ka soo baxda Dalkaasi ayaa shaacisay in dhacdadani ay dhacday kadib markii ay 30 qof oo ka mid ahaa dadkii rakaabka ahaa ee tareenkaasi saarnaa ay hal mar gacanta wada saareen qoyskaasi Muslimka ah, waxa aanay ka boobeen lacagtii ay siteen, iyagoo xilligaasi ku suganaa magaalada Mainbury ee gobolkaasi.Qoyskan oo ka koobnaa 15 qof ayaa waxay dhaawacyo soo gaadheen afar ka mid ah mid ka mid dadkii ka tirsanaa qoyskaasi oo u warramay Jarriidada The Hindo ayaa waxay yidhaahdeen “kadib markii ay arkeen in aan mulsimiin nahay isla markaana ay arkeen haweenkayaga oo xijaaban ayaa waxay bilaabeen inay ulo nala dhacaan, waxa aanay dhaceen wixii aan hanti aanu sidanay iska daa wax kale ilaa silsiladihii ay dumarkaygu xidhnaayeen ayay ka goosteen oo ay ka qaateen wiil yar oo naafo ahna aad ayay u garaaceen”.

Waxa muddooyinkan dambe kor u sii kacaya Cunfiga ka dhanka ah Dadka Muslimiinta ah ee ku nool Dalkaasi, kuwaasi oo ay had iyo jeer kula kacaan Dadka Hunduusiyiinta ahi, arrintaasina waxay had iyo jeer ka bilaabmataa Lo’da ay Dadkaasi Hunduusiyiinta ahi Caabudaan  iyo Dadka Muslimiinta ah oo hillibka Lo’da.

Xigasho Wargayska Himilo

Comments are closed