|

Maxkamadda Distooriga ah ee Somaliland oo Maanta Meel marisay Natiijadii Doorashaddii Madaxtooyadda DAAWO

Hargaysa 28. November 2017 (SDN/QJ):-Fadhi ay Maanta yeesheen Xubnaha Guddida Sare ee Maxkamadda Distooriga ah ee Somaliland ayaa si rasmi ah u ansixisay Natiijadda Doorashadii Madaxtooyadda ee Dalka ka qabsoontay 13-kii bishii November ee sannadkan.

Waxaa fadhigan Shirgudoominayay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Waxaanu Gudoomiyuhu Sheegay in aanay Jirin Wax Dacwad ah oo loo Soo Gudbiyey Maxkamadda kuna ladhnaa Natiijadii Hordhaca ahayd ee Komiishanka Doorashooyinka qaranku ku dhawaaqeen.

Comments are closed