|

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex oo xukun ku riday mid ka mid ah culimada Hargeysa

Hargeysa March, 31, 2013 (SDN)- Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa xukun ku riday Sheekh Maxamuud Cabdullaahi Geelle oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa, kadib markii uu todobaadyadii la soo dhaafay xabsiga ku jiray.

Garsooraha Maxkamadda gobolka Mr. Cismaan Ibraahim Daahir oo xukunkaas ku dhawaaqay, waxa uu sheegay in hal sanno oo xadhig ah iyo hal milyan oo Somaliland shilin ah oo ganaax ah lagu riday Sheekh Maxamuud Cabdullaahi Geelle.

Garsoore Cusmaan Ibraahim Daahir oo u waramay shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, wuxuu sheegay in sheekhu uu ku kacay waxyaabo lid ku ah qaranimada Somaliland, isla markaana uu distoorka Somaliland ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn shareecada Islaamka. “Maxkamadda horteedana wuu ka qirtay dambiga lagu soo eedeeyay, waxaana dacwadiisa soo oogtay Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka, dhinac kale oo dhibane ka ahaana ma jirin,” ayuu yidhi Garsooraha oo khadka telefoonka ugu waramay Qurbejoog.com/Somalidiasporanews.com.

Garsooruhu wuxuu sheegay in xukunkan loo raacay xeerka Ciqaabta Guud, isla markaana aanu xukunkani la xidhiidhi dhaliilo uu u jeediyay xubno wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirada Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Daakhiliga Maxamed Nuur Carraale (Duur), maalin ka hor markii horaantii bishan laga qabtay gudaha magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Sheekh Maxamuud Cabdullaahi Geelle oo dhawr jeer oo hore la xidhay, wuxuu 2011 ku dhawaaqay urur-diimeed aan sharci ahayn oo la yidhaahdo Xisbullaah, waqtigaas oo ahayd markii la furayay ururadii siyaasadda ee doorashadii deegaanka Somaliland ee November 28,2012 ka qaybgalkeeda isu diyaarinayay. Waqtigaa, wuxuu hoggaamiyaha urur-diimeedkaasi ku dooday inuu ka qaybgalayo doorashada, wuxuuna si wayn u naqdiyay siyaasadda, hanaanka doorashada iyo nidaamka maamul ee dalka oo uu sheegay in aanu ku salaysnayn Shareecada Islaamka.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed