|

Fanaanka Nuur Dalacay oo Hees uu hore u qaday Fanaankii Waynaa Marxuum Muuse Ismaciil Qalinle Sheegtay labada heesod Dawasho iyo Dhagayso(Heestii Togdheer)

London31 March13 (SDN)Fanaanka Nuur Dalacay  oo Hees uu hore u qaday Fanaankii Waynaa Marxuum Muuse Ismaciil Qalinle Sheegtay, fanaanka oo sheegay in heesta uu u samayey Abwaan Hadraawi.

Wwaxa la yaab leh sida uu dadka ugu jaha hababinayo isaga oo luuqdii ay lahayd uu gebi ahaanba badalay, isaga oo u samaystay laxan cusub taas macnahadu waxa weye in aan la garan heesta, oo ay u noqoto hees uu nuur dalacay Burco u qaday oo cusub oo Hadraawi leyahay.

Mirahuna waa sax lakiin waxa uu aasay Tarikhdii Marxuumku uu heestan ku lahaa iyada oo heestani caan ku ahayd tariikhna ay ku leedahay Gobolka Togdheer,iyada Farxashanimo aad u qurux badana ay ka muqato heestan waxa uu ilaabay Nuur Dalacay Inay Jiraan dad ay Ubad u yihiin sugaanta iyo heesahu, oo aan wax kalaba ilaashan waxa sharaf mudan cidii arinta na hor keenta.

Marxuunku waxa uu ummada Afka soomaliga ku hadasha ka mudan yahay in marka codkiisa la maqlo Alle Haw naxariisto in la yiraa taas ayuuna Nuur kala bakheylay Fanaanku.

labadii heesood Dawasho iyo Dhagayso haboon

HALKAN gUJI OO KA DHEGEYSO AUN MUUSE ISMAACIIL QALINLE OO KU LUUQEYNAYAA HEESTA UU NUUR DAALACAY SHEEGANAYO HAATAN

 

KA BOGO EREYADA HEESTA  “Gabadh Togdheer”.

Ninba waxuu ku taamaa
ama hees ka tiriyaa
tixo gabay ku sheegaa
halka lagu talaalee
hawadiisu taallee
uurkiisu tebeyee,
dumar taan ka sahansaday
waa gabadh Togdheeroo
Maxamuudi tooxwayn
saddex-qayd ka tolatoo
tusbax luqunta gelisoo
tafta daraya-muuskii
taakiyo badh muuqdoo
dhaxalihii tarraxayoo
sida boqorad taash xidhan
hadalkeeda tirisoo
hadba erey tukubisoo
todobaatan jeerbaan
soo toosay xalayoo

Sidaan timo haldhaaleey
ugu tebey hurdada xalay
anigaba Togdheerbaa
tusku iiga muuqdaa.
Ninba wuxuu ku taamaa
ama talal ku sheegaa
ama gacan ku taabtaa
halka lagu taftaafee
Burco waxay ku taalaa
xididdada tin iyo cidhib
tebinaaya dhiigee
hadba dhan u talowshee
dayax taabba-qaadoo
toban iyo shan joogiyo
xidigaha tartamayee
isku taxay dushiisaa
tahan iiga hirayoo
Tusmo barashadeediyo
taltallaabsigeediyo
taratarinta laafyaha
meeshay i turuqdiyo
tawstey i gelisaa
igu sii tarmaysoo,
sidaan timo haldhaaleey
ugu tebey hurdada xalay
anigaba Togdheerbaa
tusku iiga muuqdaa.

Tuke bari ka yimibaan
tusay boogahaygoo
u tilmaamay beeshoo
tebi idhi dhambaalkii;
taarkii ma geynoo
isma tarin dedaalkuu
u tabaabulshaystoo
taab-gaabnidiisey
naftu xadhiga towseed
ugu turunturootoo
latawaacaysaa.
Miyuu tuuray hadalkii?
Miyuu tiray jacaylkii?
Mise tulud raqdeeduu
ugu taaganyahay geed?
Mise wuxuu tukanayaa
faral iyo Taraawiix?
Mise wuxuu taraarkii
kala dhacay Tabciyo Sheekh?
Sidaan timo haldhaaleey
ugu tebey hurdada xalay
anigaba Togdheerbaa
tusku iiga muuqdaa.

By Mohammed Ibrahim Warsame (Hadraawi)

 

 

Comments are closed