|

Maydadka Askartii Uganda ee Weerarkii Janaale lagu dilay oo la Geeyay Kampala (DAAWO SAWIRRADA)

Kampala,3sep,2015(QJ/SDN)-Ugu yaraan 10 Askari oo ka mid ah ciidamadii AMISOM ee Uganda ka socday oo lagu dilay weerarkii maalin ka hor ay Al-shabaab ku qaadday Saldhigga AMISOM ee deegaanka Jannaale ayaa dib loogu celiyay Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda.

 

Diyaarad kuwa Qaramada Midoobay ah ayaa maydadkan ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde, iyadoo dib ugu celisay Kampala ee Xarunta Uganda, si loogu Aaso Dalkooda.

Maydadka_Askarta_Uganda (1)

Maydadkan maanta dib loogu celiyay Kamapla ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli aysan Taliska guud ee AMISOM ka hadlin khasaaraha Ciidamadooda Weerarkaas kasoo gaadhay Weerarkii deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose oo 100-km dhanka Koonfureed kaga beegan Muqdisho.

Balse, Taliska AMISOM ayaa qirtay inay jiraan khasaarooyin kasoo gaadhay ciidamadooda Weerarkaas, iyagoo sheegay in xerada laga qabsaday Ciidamadooda, Laakiinse ay dib ugu laabteen saacado kaddib, markii ay heleen gurmad.

Maydadka_Askarta_Uganda (2)

Dhanka kale, Wararka soo baxaya ayaa Sheegaya in weli ay maqan yihiin Askar ka Tirsan ciidamadii lagu weeraray xeradaas, kuwaasoo aan la ogeyn meel ay jiraan, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in askar nool ay Al-shabaab ku qabsatay nolosha.

Maydadka_Askarta_Uganda (3)

Ugu dambeyn, Tirada Maydadka Askarta Ciidamada Uganda ee Maanta dib loogu Celiyay Kampala ayaa noqonaya tiradii ugu horreeyay oo intaan le’eg oo iyagoo mayd ah dib loogu celiyo Uganda, tan iyo markii ay Howl-gallada AMISOM Dalka Soomaaliya ka billaabeen sannadkii 2007-dii.

 

 

Comments are closed