|

Guddoomiyaha Wakiillada Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Saaka Soo Gaadhay Warqaddii Madaxweynuhu Kusoo Celiyey Go’aankii Haamaha Shidaalka Berbera Wareejintooda Lagu Diiday DAAWO

Hargeysa:Sep,03,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa goor dhaweyd si rasmi ah u shaaciyey inay Soo Gaadhay Warqad Ka timi madaxweyne Siilaanyo oo uu ku laalay Go’aankii ay Wakiilladu dhawaan ku Diideen Wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera.

Guddoomiye-CirroMudane Cirro oo Goor dhaweyd Saxaafadda kula Hadlayey Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa daboolka ka qaaday in Warqadda madaxweynuhu ku deedafeeyey Go’aankii Dhawaan Golaha Wakiilladu ku diideen wareejinta Haamaha Keydka Berbera,“Go’aan buu Goluhu gaadhay madaxweynuhuna waraaq buu soo qoray ay ku qoran tahay inuu Soo Celiyey Go’aankii Golaha, Warqadduna waxa ay timi Hadda, Goluhuna isagaa Go’aan ka gaadhi Doona.” Ayuu yidhi Mudane Cirro.

Guddoomiyaha oo Hadalkiisa sii wata, ayaa caddeeyey in soo celinta Go’aankaas Goluhu hore u gaadhay ee Haatan madaxweynaha ka timi aanay Distoorka meel ku lahayn, isla-markaana aanay jirin qoddobo distoori  ah oo qeexaya Hannaanka looga gudbi karo, marka laga yimaaddo Talo uu sheegay in Goluhu isaga iman doono, waxana uu yidhi,“Goluhu waxa uu Madaxweynaha u gudbiyo inuu soo celiyo iyo inaanu Soo celin Distoorka kuma cadda Caadana may  ahaan jirin, Waxana ay u baahan tahay in si sharciga waafaqsan uu Goluhu Go’aan uga qaadan doono.”

Hadalkan uu Guddoomiye Cirro ku caddeeyey inay soo gaadhay warqad madaxweynaha ka timi oo Go’aankii lagu diiday Wareejinta Haamaha Keydka Berbera ka dhan ahi, ayaa noqonaya markii koowaad ee Arrintani dhacdo, waxana sida Guddoomiyuhuba sheegay aaan jirin wax qeexaya sida la yeeli doono.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed