|

Akhri Magacyada Saddex Sarkaal Oo Goor Dhaweyd Xisbiga Waddani Iska Casilay iyo Cudurdaarka ay Sheegteen.

Hargeysa:Sep,03,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyihii Degmada Arabsiyo Guuleed Maxamed Cabdi suldaan. Cabdixakiin Faarax Axmed Guddoomiyihii dhallinyarada ee Degmada Arabsiyo iyo Guddoomiyihii Garabka Haweenka ee Xisbiga Waddani, ayaa Goor dhaweyd Shaaciyey inay Gebi ahaanba iskaga baxeen Xisbigaas Waddani, isla-markaana ay Xubin-nimadii iyo Shaqadiiba iska casileen.

xISBIGA-WADDANISaddexdan Xubnood oo Goor dhaweyd saxaafadda Kula Hadlay Hutel Guleed ee Magaalada Hargeysa, ayaa ku cudurdaartay inay saluugeen siyaasadda Xisbigaas iyo hannaanka uu wax u wadaba, isla-markaana isku qanciyeen inay Xisbigaas ka baxaan.

Xubnahani waxa ay sheegeen inaanay wali go’aan rasmi ah ka gaadhin Halka ay hankooda siyaasadeed gayn doonaan, iyagoo intaas ku daray inay arrintaas kasoo fikiri doonaan.

Saddexdan Xubnood ee Haatan iscasilay, ayaa kamid noqonaya xubno muddooyinkii ugu dambeeyey Xisbiga Waddani ka baxayey, kuwaas oo intooda badan lagu tuhunsan yahay inay Xukuumaddu lug weyn ku lahayd.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed