Uncategorized

Midawga Africa oo u hanjebay xildhibaanada Soomaaliya

Adis Ababa Sept 03,2012(SDN)-Ururka midawga Africa ayaa war uu soo saaray waxa uu digniin kama danbeyn ah ku siiyay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya in ay mudo toban casho ah ku soo doortaaam madaxweyne cusub.

Gudida amaanka ee midawga Africa oo shan iyo taban xubnood ka kooban ayaa kulan ay shalay yeesheen waxa ay ku soo gunaanadeen digniintaa kama danbeynta ah.

“Dawlada so socataa waxa sugaya carqalado is dul saaran,waxaanan rajeyneynaa in Qurbejooga iyo beesha caalamku aaney taageerada ka la hagran dawlada”ayaa lagu yiri war ay soo saareen gollaha amaanka ee midawga Africa.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu waday in ay dhacdo bishii ina dhaaftay labaatankeedii balse muran ka dhashay xulida xildhibaanada baarlamaanka ayaa dib u dhigay

Waxa bishan tobankeeda haatan loo balansan yahay in xildhibaanadu doortaan madaxweynaha dawlada cusub ee dalka Soomaaliya.

SDN-Adis Ababa

contact@somalidiasporanews.com