Muqdisho Sept 03,2012(SDN)-Warbixin ay soo saartay hay’ad layiraahdo (FSNAU) oo hoos tagata hay’ada cunada ee Qaramada Midoobey u qaabilsan ee FAO ayaa lagu sheegay in Soomaali ka badan 2.12 milion ay sanadkan soo wejahday cuno yari.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in macluushii sanadkii hore aaney Soomaalidu weli ka soo kaban oo ay gaajo weli faro ba’an ku heyso Soomaalida.
Warbixinta (FSNAU) ayaa lagu sheegay in haatan qaxootiga ugu badan ee aqaladooda ka soo barakay ay ku nool yihiin magaalada Muqdisho.
(FSNAU) ayaa warbixinteeda ku sababeysay roob yari dhalisay in aaney dalagyo farabadani sanadakan soo goin.
Sidoo kale colaadaha dalka ka socda ayaa sababaya in xaalada biniaadamnimo ay liidato isla markaan ay adagtahay in wax laga qabto.
Sanad ka hor ayuunbay aheyd markii QM ay shaacisay in Soomaaliya ay ka dilaacday macluul sababtay xaalad biniaadamnimo ta ugu liidata.
Xaalada ayaa sidii hore dhaanta,caruurta ayaan haatn sidii hore ugu nuglen cudurada halista ah ee ka dhasha nafaqo xumida,bacdamaa haatan ay dalka qeybo ka mid ahi ka furan yihiin xarumo quudin.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com
