Mombasa 23 March 2014 (SDN/Maltatoday)- Ugu yaraan 4 qof ayaa lagu dilay, 17 kalena way dhaawacmeen kadib markii laba nin oo hubaysani ay gudaha u galeen Kiniisad aad loogu badanyahay, isla markaana ay si aan kala-sooc lahayn rasaas ugu fureen ku fureen dad ku cibaadaysanayay Kiniisaddaas oo ku taala magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Siday sheegtay hay’adda Laanqayrta Cas, laba waxay markiiba ku dhinteen weerarka, halka labada kalena ay xilli dambe u dhinteen dhaawacyadoodii.
“Waxa toogtay rag hubaysan, kuwaasoo si aan kala-sooc lahayn u toogtay cibaadaysteyaasha [Masiixiyiinta], ka dibna baxsaday,” ayuu yidhi sarkaal Booliska ka tirsan, siday ku warantay shabakadda Maltatoday.
Weerarku wuxuu yimi iyadoo la adkeeyay amniga magaalooyinka Kenya, taasoo ay sababtay xasaasiyada sareysa ee digniinaha la xidhiidha cabsida xagjireyaasha.
Ma jirto koox ilaa hadda sheegatay masuuliyada weerarkaa, laakiin Kenya waxa hujuumayay weeraro xidhiidh ah tan iyo markii ay ciidamadeeda u dirtay gudaha Koonfurta Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan maleeshiyaadka Al-Qaacida ku xidhan ee al-Shabaab.
Bishii September ee sannadkii tegay, dagaal-yahanada al-Shabaab waxay ugu yaraan 67 qof ku dileen suuqii dukaamaysiga Nairobi ee Westgate mall.
Bishii lasoo dhaafay, madaxda amaanku waxay ka digeen ‘korodhka khataraha xagjiraynta’ ee gudaha qoysaska xagjiriinta dalkaas. Xiisadaha u dhexeeya ciidamada amniga iyo dhalinyarada Xagjiriinta ee Muslimiintu waa kuwo sareeya. Bishii hore, Boolisku waxay weerareen Masaajid lagu eedeeyay dhiirigelinta xagjirnimada oo ku yaala magaalada Mombasa, waxayna xidheen kooxo laga shakisan yahay, kuwaasoo ku eedaysan inay ka qaybgalayeen kulan xagjirayn ah.
Qurbejoog.com, Mombasa
