|

SHAQSIYAADKA SANNADKA 2011

Minneapolis Dec 31,2011(qurbejoog.com)-Waxaa aad wax looga qoraa ama dhamaan warbaahinta nooc kastaba ha ahaate lagu soo bandhigaa shaqsiyaad ama sawirro loo doortay shaqsiga sannadka ama sawirrka sannadka, markasta oo la sagootinayo sannad, sannad cusubna la soo dhaweynayo.

Haddaba waxaan ognahay in dad badani ay ku mashquulsan yihiin ama ay u codaynayaan qofkii ama sawirkii ay markaas u arkaan shaqsiga ama sawirrka sannadka. Sannadkan dhamaanaya ee 2011 ayaa wuxuu ahaa sannad wararkiisu, dhacdooyinkiisu iyo taariikhda uu reebay ay aad iyo aad u tiro badan yihiin. Marka dhinacyo baddan laga eego ama la damco in hal sawir, dhacdo ama shaqsi lagala soo dhexbaxo sannadka 2011, run ahaantii aad iyo aad ayay u adkaanaysaa.

 

Si kastaba ha u adkaatee, akhristow waxaan aniga oo shaqsi ahaan arrintan wakhti badan iyo daraasad badan ku sameeyay aan go’aan ku gaaray ama ay noqotay natiijadii ii soo baxday, in aan sannadkan anigu u doorto shaqsiyaadka ama sawirrada sannadka 2011, dhamaan dadweynaha dunida dacaladeeda degan ee dadaalka badan ka geystey siddii ay ugu gargaari lahaayen dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku heleen dhulkooda hooyo. Arrintan oo aanan kali ku ahayn ayaa tusaale ahaan waxaa iyagu sawirradooda sannadka 2011, abaaraha Soomaaliya ku daray, joornaalka weyn ee Newsweek.

Halka kafiiri sawirradda newsweek: http://www.thedailybeast.com/newsweek/galleries/2011/11/28/2011-pictures-of-the-year-fury.html

Sannadka 2011 ee aan sagootinayno ayaa dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay la kulmeen abaaro baaxad leh oo saameeyay dadka iyo duunyada ku nool deegaamada Geeska Afrika. Abaarahan sababay dhimasho aad u tiro badan oo saameysay dad iyo duunyoba ayaa ka dhashay kaddib markii ay xumaadeen dalagyadii beeraha ka soo gu’ jiray iyo waliba roobabka oo aad u tiro yaraa.

Maadama ay dadkan Soomaaliyeed ee ay abaaruhu heleen, dagaalladu, dowlad la’aanta iyo dulmiguna ugu darsameen, ayaa waxaa si hiil iyo hooba ah ugu gurmadday shicib iyo shaqsiyaad aad u tiro baddan oo iyagu adduunka meelksa ka degan.

Shaqsiyaadkan is xil qaamay ee beeniyay oraahdii “Ceelna uma qodna, cidina u maqna” ayaa waxay iskugu jiraan, madax, carruur, rag iyo dumar,cadaan iyo madow, muslim iyo gaal, hayaddaha u gargaara bulshadda, aqoonyahaniin, suxufiyiin, jilayaal, fanaaniin, ciyaartoy, waalid, ganacsato, arday, dhallinyaro, dawllado iyo waliba culimo.

Ugu danbaayntii, aniga oo u mahad celinaya qof kasta oo ka qayb qaatay gargaarka lagama maar maanka ah ee lagu badbaadinayo ummada Soomaaliyeed ee abaaruhu, dagaalladu iyo duruufuhu haystaan, ayaan waxaan Rabiga Raxmaanka ah ka beryayaa in uu sannadkan cusub ee dhallanaya dhamaanteen nooga dhigo mid wata Nabad iyo Caano. Aamiin, Aamiin, Aamiin.

Qalinkii: Abdirahman Mukhtar, Abdirahmanmukhtar@gmail.com

 

Comments are closed