Jabuuti Oct 21,2014(SDN/QJ)-Jaaliyada reer Jabuuti ee Canada oo taageero mug leh siisa dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN ayaa ku guuleystay in ay indhaha caalamka ku duwaan dalka Jamhuuriyada Jabuuti.
Safiirka Dalkan Canada ee Jabuuti oo fadhigiisu yahay Adis Ababa Mr. David Usher iyo Xildhibaanada Andreychuk Raynel , Cheryl Gallant iyo M.Mauril Bélanger ayaa kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Jabuuti Md Cali Yusuf Maxamuud.
Xubnaha siyaasiyiinta reer Jabuuti ee ku nool dalka Canada oo uu hogaaminayo ergeyga USN ta ee Canada Md Xuseen Cabdiraxmaan Cadhoole ayaa tiroba dhawr jeer waxa ay kulamo la yeesheen masuuliyiin kala duwan oo ka mida goleyaasha kala duwan ee dalkan Canada.
Waxa ay Mucaaridka Jabuuti masuuliyiintan kala hadleen sidii ay dawlada Canada gacan uga siin laheyd dalkooda Mashaariic horumarineed iyo isbedel siyaasadeed oo dhab ah oo dalka ka hirgala.
Diplomasiyiinta Canada ee booqday dalka Jabuuti ayaa dawlada kala hadlay caqabadaha amni eek a jira degaanka Geeska Africa iyo iskaashi labada dal ay ka yeeshaan kor u qaadida labada dal.
Safarka masuuliyiinta reer Canada ee booqday dalka Jabuuti ayaa la rajeynayaa in ay gacan ka geysato isu soo dhaweynta dhinacyada siyaasadeed ee dalka Jabuuti.
SDN/QJ-Jabuuti
contact@qurbejoog.com
