|

Mudanayaasha Baarlamanka Federaalka oo Weli Ku Guda Jira Wax ka Bedelka Xeer Hoosaadka ay ku Shaqeeyaan

Muqdisho 30.Sep 2013 (SDN)- Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay kaga doodeen wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Baarlamanka SomaliaAjandaha fadhiga Baarlamaanka maanta ayaa ku koobnaa wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Shacabka, waxaana shir gudoominayey kulanka Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayadoo Mudaneyaasha Baarlamaankana ay is dhaafsadeen fikrado la xiriira wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Mudaneyaasha Baarlamaanka soo jeedintooda waxey inta badan aheyd mid isku dhow ayagoo si isku mid ah u tilmaamay iney lagama maarmaan tahay xiligan in dib loogu laabto xeer hoosaadka Golaha Shacabka si wax looga bedelo.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo gebagebadii kulankii maanta ee Baarlamaanka ka hadlay ayaa xusay in talooyin badan lasoo jeediyey, balse Gudoonka Baarlamaanka uu u saarayo gudi talooyinkaasi si gaar ah ugu dhabagala labada cisho ee soo socota, si taasi ay u fududeeyso qaabka ay Mudaneyaasha Baarlamaanku u sii ambaqaadayaan wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Xeer hoosaadka Golaha shacabka ayaa waxaa horey ay mudaneyaasha Baarlamaanka ugu ansxiyeen Kalfadhigoodii Koobaad balse qodobada ay sida aadka ah u arkaan xildhibaannadu in wax laga bedelo waxaa ka mid ah Qodobka 84aad ee Xeer hoosaadka Baarlamaanka , farqadiisa Labaad oo oraneysa hadii waxka bedel lagu sameynayo xeer hoosaadka Golaha waa inay mooshinkaasi soo jeediyaan 10-Xildhibaan ayagoo cod caqlabiyad lehna ka helay 50+1tirada guud ee Golaha Shacabka.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed