|

Mudanayaasha Baarlamanka Punt land oo Dood Xasaasi ah ka Yeeshay Soo Celinta Dhulka ka Maqan Maamulkooda

Garowe 30.Nov 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaanada barlamaanka Puntland ayaa dood culus ka yeeshay sidii loosoo celin lahaa gobolada ka maqan gacanta dowlada Puntland.

BAARLAMANKA PUNT SAXQaar kamid ah Xildhibaanada barlamaanka ayaa ugu baaqay xukuumada Puntland inay ka dhabeyso balanqaadkeedii ahaa in lasoo celinayo  gobolka Sool waxayna soo jeediyeen in loo yeero xakuumada si wax looga weydiiyo qorshaheeda xoraynta gobolada maqan.

Sidoo kale xubno kamid ah xildhibaanada ayaa soo jeediyay in mas’uuliyiinta xakuumada iyo xildhibaanada kasoo jeeda gobolada maqan ay keenaan qorshe cad oo lagu wajahayo soo celinta magaalada Laascaanood oo ay in kabadan 7 sano gacanka ku hayso Somaaliland.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed