|

Mudanayaasha Garabka Xukuumada oo Jiho Khaldan u Qaaday Weedho dhinaca ka soo Hor jeedaa ku dhaliileen Xukuumada

Hargaysa 31.Oct 2014 (SDN/QJ)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nac-nac), oo ka tirsan Golaha wakiilada ayaa Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Wakiilada ka difaacay eedaymo uu u jeediyay Xildhibaan Bashiir Tukaale oo Mucaaradka wakiilada ah. Waxa uu Xildhibaan Nacnac ku eedeeyay Xisbiga Waddani inuu yahay mid ka maarmay Bulshada Reer Somaliland ee Sool.
nacnac“Sidaas Wanaag laguma Gaadho Wadankana Hakala Jarina Baashane Sharaf iyo wanaag ayuu naga Mudan yahay,anaga ayaa garab taagan Somaliland oo dhan ayaa baashe garab taagan,Xaalbaanu ka siinay Baashe Hadalkaas uu iska yidhi Xildhibaan Tukale Reer soolna xaal ayaanu siinay.

Xildhibaan Nac-nac,waxa uu sheegay in Kalmada Xildhibaan Tukaale cawaaqib xun u keeni doonto Waddani “Cawaaqibka ay ku keeni kartaa waxa weeyaan,Xisbiga wadani uma baahna Shacabka Sool iyo Sanaag ayuu dadkii tusay,Markaas dadkii odayaasha ahaa ee laga soo doortay Gobolka uu yidhi somaliland maaha waa nuqsaan xisbiga wadani la kawsatay,Lakiin anagu hadaanu nahay Kulmiye kama maarano shacabka reer Sool waxaanan leenahay anaga ayaa idin garab taagan”
Xildhibaan Nac-nac ayaa sidoo kalena ka hadlay Hadal uu Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Mucaaradka ka tirsanu sheegay oo nuxurkiisu ahaa in Somaliland beesha Caalamku soo faro galiso

“Waxaanu leenahay siciidaw maanta dalka amisom ayaad usoo hogaamisay looma baahna somaliland way isku filantahay,kuwii ay la joogeen ayaa ka qaylinaya,Nabada galyana waanu haysanaa Madaxwaynahina waa kii shalay magaalada nala lugaynayay markii la furayay wasaarada xanaanada xoolaha.” Ayuu yidhi Nac-nac.

Xildhibaan Nac-nac,Gudoomiye Xigeenka 1-aad ee Wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo Afhayeeka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa iska daba maray hadalo u muuqda majaro habaabin oo ay u jeedo kale u yeelayaan Weedho XIldhibaanada Mucaaradka ahi Xukumadda ku dhaliileen.

Hadalada Mucaaradka ayaa ahaa Eedaymo Xildhibaan Tukaale u jeediyay Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Wakiilada iyo eedayn Siciid Cilmi Rooble Xukumadda u jeediyay oo nuxurkeedu ahaa inaanay ku qanacsanayn hanaanka Xukumaddu u wado wax islamarkaana Beesha Caalamku xaliso khilaafka u dhexeeya Mucaaradka iyo Xukumadda.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed