|

Mudanayaasha Mooshin diidka Baarlamanka Somalia oo ka soo Debcay Mawqifkii ay Taagnaayeen Sheegayna inay Isku Kalsoon yihiin

Muqdisho 30.Nov 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaanada kaso horjeeday Mooshinka ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha ayaa tanaasulay,isla markaana ogolaaay in Codka kalsoonida loo qaado Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Xildhibaan Cabdibare Yuusuf Jibriil oo la hadlay Warsidaha Pr ayaa yiri’’…Waxaan u tanaasulay dalka iyo dadka waxaana ogolaanay innaan ka qayb galno Todobaadkan Dooda Mooshinka,annaga oo u aqoonsan inu yahay Sharci daro,inta Doodu ay socoto waan sheegaynaa in Mooshinku uu Xaaraan yahay,waana isku kalsoonahay oo Xukuumaddu way guulaysanaysaa’’.

Xildhibaan Cabdibare Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in Dooda Baarlamanka ee Mooshinka ay bilaabanayso maalinta Salaasada,halka Codka Kalsoonidana la qaadayo maalinta Sabtida.

‘’Waan isku kalsoonahay,Xukuumuna waxay helaysa Codka kalsoonida,waxaad aragtaa Xildhibaano meelahaas la taagan waa Labaatan iyo Sodon Xildhibaanada kaso horjeeda Mooshinka,waanu arkaynaa waxa ay la shir yimaada,kalsoonida Boqolkiiba Boqolana waan qabna’’Sidaa waxaa yiri Xildhibaan Maxamed Axmed Kulan loo ka hadlay Pr.

Xildhibaan Cabdibare Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in Xildhibaanada Mooshinka wada laga rabo inay helaan 139-Cod,oo haddii ay helaan 138-cod ay Xukuumaddu shaqaynayso.

Cabdibare Yuusuf Jibriil ayaa sheegay inay isku qabaan kalsooni balaaran,ayna Xukuumadda Cabiweli Sheekh ka guulaysan doonto inay ku dhacdo Mooshinka Sharci-darada ah.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed