Hargaysa 02.March. (SDN) Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” ayaa maanta ka Xog Waramay Xaalada Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac,Wada Hadal u furmaya Urur Siyaasadeedkii Xaqsoor iyo Qodobo kale .
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guduhu waxa uu Tilmaamay in Magaalada Saylac uu ka jiro Maamul dawladeed isla markaana ay ku hawlan yihiin Xal ka gaadhista Tabashada ay tirsanayaan beel ka mid ah labada beelood ee deegaankaasi dega oo Todobaadkii hore ay Xildhibaanadoodii Golayaasha deegaanka ee Saylac iyo Lug haya ay is casileen, Waxaanu Xusay in Xukuumad ahaan ay u arkaan talo aan Toosnayn isagoo intaas ku daray inay dhamaynayaan wixii qabyo ah ee Jira .
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland iyo Xog Warankiisa halkan hoose ka dhegeyso
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Duuur1.mp3″]
SDN-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com
