Uncategorized

Muqdisho: Murashaxiinta tirada badan oo soo gunaanaday khudbado ay Baarlamaanka u jeediyeen iyo magacyada 25-ka nin ee Isniinta loo kala codayn doono

Muqdisho 8, September 2012 (SDN)- Murashaxiinta tirada badan ee sheegay inay u ordayaan doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, ayaa soo gunaanaday daqiiqado khudbad ah oo mid kasta fursad loo siiyay inay ka hor jeediyeen Baarlamaanka cusub.

Baarlamaanka oo Jimcihii iyo Sabtida maanta fadhi ku yeeshay Muqdisho, waxa maanta dhegaysteen khudbadaha 15 murashax, ka dib markii ay shalay dhegaysteen khudbado 10 murashax u jeediyeen.

Murashaxiinta oo tiradoodu tahay 25 xubnood oo dhamaantood rag ah, waxa uu mid kastaa khudbadiisa kaga hadlay waxa uu qaban doono iyo qorshihiisa siyaasadeed haddii Isniinta loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya. 2 xubnood oo ka mid ah 25-ka murashax, waxay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Somaliland.

Haddaba, waxaanu akhristeyaasha halkan ugu soo gudbinaynaa magacyada 25-ka murashax, waxayna kala yihiin:,

1-Axmed Ismaaciil Samatar,

2-Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex,

3-Cabdullaahi Axmed Caddoow,

4-Cabdiweli Maxamed Cali,

5-Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo,

6-Xasan Sheekh Maxamuud,

7-Sheekh Shariif Sheekh Axmed,

8-Yuusuf-Garaad Cumar,

9-Cumar Salaad Cilmi,

10-Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi,

11-Bashiir Nuur Xasan,

12-Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin,

13-Cabdulqaadir Cosoble Cali,

14-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame,

15-Xuseen Khaliif Jaamac,

16-Maxamed Axmed Saalax,

17-Salaad Cali Jeelle,

18-Ibraahim Cali Xuseen,

19-Siciid Ciise Maxamuud,

20-Cismaan Maxamed Gacal,

21-Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi,

22-Maxamed Cabdullaahi Oomaar,

23-Maxamed Cabdiweli Sheekh Yuusuf,

24-Maslax Maxamed Siyaad Barre,

25-Cabiraxmaan Cabdullaahi Baadiyoow.

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com