Uncategorized

Muran iyo Is Jiid-jiidasho Cusub Oo Xisbiga Kulmiye Ka Dhex Qarxay Oo Sababtay In Madaxweyne Ku xigeenku Maanta Kulan Iskugu Yeedho Guddida Fulinta

Hargeysa:06-Jan-2014(SDN)-Iyadoo muddadii loo cayimay Shirweynah Xisbiga Talada Somaliland Haya ee Kulmike ay Ka Hadhsan tahay Muddo aad u koobani ayaa waxa soo Baxaya Muran iyo Is Jiidjiidasho u dhaxaysa Xisbiga iyo Xukuumadda oo arrimo dhawr ah isku waafiqi la’.

kukuSida ay sheegayaan wararka u dhuun daloola Arrimaha Xisbiga Kulmiye, waxa  haatan taagan si afraganwaa la sheegay inuu ka Taagan yahay xubno miisaan ku leh xisbiga oo aan ku qanacsanayn in Hoggaanka Xisbiga Kooto loogu xidho Guddoomiye Muuse,kuwaas oo doonaya in dib loogu noqdo qaabka shirku u socon doono oo la sheegayo in hab kooto ah oo caddaaladda iyo Dimuqraaddiyadda ka fog loo diyaariyey.

 

Wararka ayaa intaas ku daraya in xisbiga intiisa badani ay ka soo horjeedaan Hannaanka Guddoomiye Muuse Biixi loogu Madax bannaynayo inuu kaligii isku soo taago Guddoomiye-nimada Xisbiga, waxana haatan soo baxay rag badan oo doonaya in Tartan dhaco si aanay meesha uga Bixin Dimuqraadiyadda Xisbigu sheegtaa.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa isaga xukuumaddu u igmatay inuu meesha ka saaro Yooyootanka iyo Doodda wali taagan, waxana uu ku dhawaaqay inuu kulan degdeg ah maata u qabanayo Guddida Fulinta ee Xisbiga oo aqlkiisa ku kulmi doonta.

 

Madaxwene-ku-xigeenka oo isagu ahaa Shakhsigii meesha ka saaray murano badan oo kuwan ka cuslaa ayaa ku rajo weyn inuu inta hadhayna dhammeeyo, waxana lagu wadaa in kulankaas ay ka soo baxaan arrimo xal u noqon  kara muranka iyo doodda soo korodhay.

Dhinaca kale warar kale oo aan madax bannanayn ayaa sheegaya in Xukuumaddu ka Biyo Diidday lacag aad u faro badan oo uu Guddoomiye Muuse soo codsaday in la siiyo si uu shirka Xisbiga ugu abaabulo, waxana  jira Tuhun laga qabo cadadka lacagta oo xukuumaddu si weyn madaxa uga qabsatay.

Majiraan warar toos ah oo caddaynaya qaddarka lacagta uu Guddoomiye Muuse soo Codsaday, laakiin waxa la sheegayaa inay xukuumadda ku noqotay Laf Dhuun gashay Dalabka kaga yimi Guddoomiye Muuse.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com