Hargaysa 04.March 2014 (SDN)-labaatan Garsoore oo sanadkan loo qaadan lahaa shaqaale-nimo ayaa muran maamul ka taagan yahay qaabkii Imtixaanka looga qaadi lahaa kadib markii ay Short List ku soo baxeen shan iyo toddobaatan ka mid ah Garsoorayaashii u tartamay.
Garsoorayaashan oo ay Xukuumaddu qaadanayso ayaa waxa la siin doonaa Tababar hal sano ah oo ay maal-gelinayso Hay’adda UNDP, si loogu sii carbiyo hawlaha Garsoorka ee ay ka shaqayn doonaan.
Guddida Cadaaladda oo maamulaysa Imtixaan ka qaadista Garsoorayaashan ayaa la sheegayaa in ay doonayaan in ay isla Imtixaanka ka qaadan hase yeeshee hay’adda UNDP ayaa la sheegayaa in ay dalbanayso in guddi madax banaan loo saaro Imtixaan ka qaadistooda si looga fogaado in wax is daba marini soo gasho Imtixaan ka qaadista Garsoorayaashan.
Liis Garsoorayaasha Short List-ka ku soo baxay ayaa lagu dhajiyey boodhka wasaaradda Cadaaladda, illaa hadana waxa taagan dood la xidhiidha qaabka loga qaadayo Imtixaanka lagu soo saarayo labaatanka Garsoore ee ugu danbeeya.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
