Muqdisho 04.March 2014 (SDN)-Dawladda Federaalka Soomaaliya,ayaa diidday sharcinimada Maamulka Koonfur galbeed Soomaaiya oo shalay lagaga dhawaaqay magaalada Baydhaba Xarunta gobolka Bay ee koonfur galbeed Soomaaliya.
Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa gaashaanka ku dhufatay doorashadii Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed ee shalay lagu doortay Baydhabo, iyadoo qaabka ay doorashadu u dhacday lagu sheegay mid aan dastuurka dalka waafaqsanayn.
Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in doorashadani ay ahayd mid khalad ah, isla markaana ay caqabad ku noqon karto heshiiskii ay wada-galeen dowladda Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Jubba.
“Doorashadu waxay u dhacday si aan sharciga waafaqsanayn, waxaana mas’uul ka ah wixii ka dhibaato ah ee dhasha dadkii abaabulay in doorashada la qabto, iyagoo ku mudan doona ciqaab, waayo dalku sharciyo ayuu leeyahay,” ayuu ydhi Goodax Barre.
Sidoo kale, Wasiirka, ayaa sheegay in dowaldda Soomaaliya aanay aqoonsanayn Maamulkii shalay lagaga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay, isagoo uga digay odayaasha in maamul u sameyntan ay abuurto qalalaase.
“Soomaaliya way kasoo gudubtay xilligii qabiileysiga, lamana ogola in sameynta Maamullada gobollada dalku ay noqdaan kuwo loo maro hab beelaysi ah ama lagu saleeyo, taasina waa mid la doonayo in laga gudbo.”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya.
Hadalka Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya,ayaa meesha ka saaraya sharci ahaan ninuu shaqeeyo Maamul goboleedka koonfor galbeed Soomaaliya oo shalay lagaga dhawaaqay magaalada Baydhaba ee gobolka bay.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
