Uncategorized

Wasiirka Awqaafta Somaliland oo wacyigelin Maandooriyaha ku wejahan u jeediyay reer Baligubedle

Baligubedle April 09,2012(SDN)-Kulan  lagaga hadlayey la dagaalanka  Maandooriyayaasha  wada jirna ay u soo abaabuleen  Maamulka Gobolka Hawd iyo Wasaarada Diinta iyo awqaafta   ayaa lagu soo geba gebeeyey  Magaala madaxda Gobolka Hawd ee Balli-gubadle.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka kala socda,Maamulka degmada, Gobolka, wasaarada diinta iyo awqaafta Gobolka Hawd, Culimaa’udiin iyo wax-garadka  Gobolkaasi ,waxa halkaasi   ka hadlay Gudoomiyaha gobolka Hawd Jamaal  xuseen Hurre, waxaanuu ka waramay sida loogu baahan yahay in xoogga la saaro  sidii loolas  dagaalami lahaa maandooriyayaasha iyo dhammaanba dhaqanada kale eek a baxsan anshaxa diinta islaamka, wax-yeelana ku  ah dhaqanka suuban ee guud ahaan bulshada..

Mud. Jamaal waxa uu  ka qayb galayaasha kulankaasi  u soo jeediyey  in ay lagama maar-maan tahay in si wada jir ah looga howl galo  la dagaalanka  Maandooriyayaasha oo ah  xumaha  Hooyadooda diinta  suuban ee islaamkuna ay ka mamnuucday  Muslimiinta.

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Isuduwaha wasaarada aw-qaafta ee Gobolka, Xubno ka mid ah Culimaa’udiinka iyo wax-garadka ka soo qayb galay kulankaasi. Oo dhammaantoodba ka waramay  sida ay waajibka u tahay in lala dagaalamo  maandooriyayaasha  oo ah wax aanu islaamku banaynin  muslimiintana ka xaaraan-tinimeeyay.

Geba gebadii Kulankaasi waxa lagu  dhisay guddi ka kooban toban xubnood oo uu gudoomiye u yahay C/risaaq Maxamed Yuusuf, gudigaasi oo loo xilsaaray ka howl galka iyo la dagaalanka maandooriyayaasha. Iyada oo  la go’aamiyey in cidii lagu helo maandooriye  la marin doono sharciga.

SDN-Baligubedle

contact@somalidiasporanews.com