|

Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Galmudug oo si deg deg ah loogu yeeray

Cadaado 26. April 2017 (SDN/QJ):-Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa si deg deg ah ugu yeeray in magaalada Cadaado ay kusoo gaaraan Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Xildhibaan Mahad Sheekh Cali Cibaar oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan waxbo iska bedelin jadwalka doorashada Madaxweynaha Galmudug, waxa uuna tilmaamay in doorashada ay u dhaceyso sidii horey loo qorsheeyay iyo waqtigii loogu tala galay.

Mahad Cibaar ayaa ugu baaqay in 24-saac gudahood ay magaalada Cadaado kusoo gaaraan Musharaxiinta horey isugu soo taagay Doorashada Madaxweynaha Galmudug si ay u qaataan shahadaooyinka Musharaxnimo.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Mahad in Guddiga Doorashada Madaxweyne ay howshoodu si caadi ah u wataan , waxa uuna tilmaamay in qorshuhu yahay in doorashada Madaxweyne ay dhacdo waqtigii loogu tala galay .

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in doorashada Madaxweynaha Galmudug oo horey loo qorsheeyay in ay u dhacdo 30-ka bishan April aysan suurto gal aheyn in xiligaasi la qabto, waxaana wali wax natiijo ah aysan kasoo bixin wadahadaladii u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Comments are closed