|

Cabdiraxmaa- Cirro Oo Si Adag Ugu Dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne-Siilaanyo Sicir-Bararka Iyo Sharci-Jebinta DAAWO

Hargaysa 26. April 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo ku dhawaad laba bilood dalka dibeddiisa ku maqnaa, ayaa  si diirran loogu soo dhaweeyey Hargeysa, waxaanu ka warramay waxyaabaha u soo qabsoomay, isaga oo Xukuumadda ugu baaqay inay gurmad u gasho Dadka ay saameeyeen Xanuunnada Abaarta ka dhashay.

Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu sheegay inay Masuuliyiinta waddamada ay mareen intii ay maqnaayeen ee Yurub iyo Iskaandanifiyaanka kala hadleen sidii loo caawin lahaa Somaliland iyo arrimo kale. Waxa uu Cirro Budhcad-nimo ku tilmaamay xadhigga uu sheegay inuu Sharci-darro yahay oo ay ku xidhan yihiin muddo Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani oo sabab la’aan ugu xidhan Hargeysa.

Waxa uu Guddoomiye Cirro Xukuumadda ugu baaqay inay Sharciga ku soo laabto, isla markaana Cabbudhinta ka dayso Saxaafadda Xorta ah. Sidoo kale waxa uu ka hadlay Dhibaatada Sicir-bararka xadhkaha goostay iyo qiimaha Sarrifka Doollarka oo cirka isku shareeray inay Xukuumadda Siilaanyo ku fashilantay oo ay waxba ka qaban kari wayday, go’aannadii ay soo saartayna fulin kari wayday.

Waxa kale oo uu ka hadlay arrinta doorashada oo uu sheegay inaanay oggolayn inay mar dambe waqtigeeda dib uga dhacdo, isagoo xusay in caalamku si weyn uga niyad-jabay muddo-kordhinta iyo dib-u-dhacyada doorashada ee Somaliland caadada u noqday. Cirro waxa uu Xukuumadda ka dalbaday inay bixiso Kharashka qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta ee ay hore u ballan-qaadday iyo kharashka doorashada Madaxtooyada ee Somaliland laga rabo.

Musharrax Cirro waxa uu Baaq nabadeed u diray Beelo Walaalo ah oo ku diraray degaanno gobolka Sool ka tirsan, kuwaas oo uu ugu baaqay inay nabadda u soo noqdaan, isla markaana wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka. Haddaba, Cabdiraxmaan-Cirro qodobbada uu ka hadlay iyo sidii loogu soo dhaweeyey Hargeysa, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:

Comments are closed