Hargeysa Nov 17,2012(SDN)- Musharrax Khadar Xuseen Cali-Illis oo loo yaqaan Khadar-Bohosha ayaa shalay afar Xafiis oo cusub ka furtay Xaafaddaha 150-ka, Daruuraha iyo Sheekh Nuur ee Degmooyinka 26-ka June iyo Gacan Libaax ee magaaladda Hargeysa.
Taageerayaasha Musharrax Bohosha ee urur siyaasadeedka RAYS oo Wareegoodii Saddexaad ee Ololaha Doorashada isu soo bax ka sameeyey degmooyinka kala duwan ee Magaaladda Hargeysa , kuwaas oo Dhoolatus ballaadhan ku soo bandhigay cududooda taageero ee ay la garab taagan yihiin Musharrax Khadar-Bohosha, isla markaana khudbado kala duwan ka dhegeystay Madaxda iyo Masuuliyiinta heer gobol ee ururka RAYS.
Musharrax Khadar Xuseen Cali-Illis (Bohosha) oo Xafiisyadda kala duwan ee uu Xadhiga ka jaray kula hadlay Taageerayaashiisa ayaa sharraxaad ka bixiyey Barnaamijkiisa waxqabad ee uga qorshaysan horumarinta adeegyadda kala duwan ee Caasimadda Hargeysa, haddii uu ka mid noqday xildhibaannada Dawladda Hoose ee Hargeysa ee shacabku codkooda ku soo dooran doonaan dabayaaqadda bishan November Marka loo dareero doorashada goleyaasha deegaanka dalka.
Mr. Bohoshu, waxa uu ballanqaaday in uu waajibaadka ku sugaya kursiga dawladda hoose ee Hargeysa uu u gudan doono si hagar la’aan ah isla markaana taageerayaashiisa iyo guud ahaanba bulshadda reer Hargeysa ugu hagar bixi doono sidii ay u heli lahaayeen Waxqabad ay u hamuun qabaan.
Musharraxu waxa kale oo uu iftiimiyey qaabka wada shaqayneed ee uga degsan in wada yeeshaan Masuuliyiinta golaha deegaanka iyo dadweynaha soo doortay, isagoo soo bandhigay qorshe cad oo muujinaya xaqa muwaadinku u leeyahay in baahiyihiisa la daboolo iyo waajibka Xildhibaanka ka saaran xilka loo igmaday.
Sidaa darteed waxa uu taageerayaashiisa iyo shacabka reer Hargeysaba ugu baaqay inay doorashaddan codkooda ku soo xushaan ciddii ay waxqabad iyo masuuliyad ku xilanayaan. Musharrax Bohoshu waxa kale oo isu soo bixii shalay ee urur siyaasadeedka RAYS Taageerayaashiisa kala qayb galay ololahooda isaga oo ay weheliyaan qaar ka tirsan masuuliyiinta heer qaran iyo mid gobo lee ururka RAYS.
Dhinaca kale Taageerayaasha RAYS ayaa Muujiyey taageeradooda iyada oo ballanqaaday inay Cududooda ku soo bandhigi doonaan, wareega kama dambaysta ah ee ololah doorashada oo Jimcaha dambe uu ku beegan yahay ururka RAYS.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
