|

Musharraxa Mucaaridka Nigeria Oo Hoggaanka u Haya Ilaa iyo Hadda Codadka la Tiriyey iyo Gobollada Hadhsan Oo Tirintooda Isha Lagu Hayo

Abudja:Mar,31,2015(SDN/QJ)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tirinta Codadka doorashooyinkii Madaxtinimo ee Dalka Nigeria ka dhacday, waxana ifafaaluhu muujinayaa inuu musharraxa Mucaaridku hoggaaminayo.

NIGERIA-VOTE-OPPOSITIONIlaa iyo haatan waxa  la tiriyey 19-Gobol  oo kamid ah 36-ka Gobo lee Dalkaasi ka kooban yahay, waxana ugu yaraan Laba Million oo Cod ku Hoggaaminaya hoggaamiyaha Mucaaridka Mohamaduu Boharu.

Waxa wali aan la tirin oo dhiman 18-Gobol oo kamid ah Gobollada dalkaas ee codadka laga dhiibtay, waana meesha lagu xisaabtamayo ee lagu kala bixi doono.

Shuruudaha ku xidhan musharraxa hoggaanka dalkaas qaban doona ayaa waxa kamid ah In 24-Gobol  oo Dalkaas kamid ah uu ka  helo 25%  codadka la dhiibto.

Guusha Doorashooyinkii dalkaasi  ka dhacay, ayaa ku xidhan Gobollada 18-ka ah ee wali Hadhsan, waxana loo dheg taagayaa cidda codadka hadhsan heli doonta.

Kormeerayaal caalamka ka socda ayaa halkaas ku sugan, waxana la ammaanay qaabka doorashadu u dhacday, iyadoo la xaqiijiyey inaanay jirin qaladaad weyn oo dhacay.

Waxa walaac laga muujiyey arrimo la xidhiidha dhinaca tirinta codadka, waxase arrintaas beeniyey guddida doorashooyinka.

Ma jirto cid guul qiratay iyo cid guuldarro qiratay, waxana la filayaa in Natiijada rasmiga ah la soo saari doono dhawaan.

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed