Uncategorized

Muslimiinta Dalka Chine Oo Loo Diidaay Inay Bisha Ramadaan Soomaan, Amarna Lagu Siiyey Inaanay Xidhin Goobaha Cuntooyinka Bisil Lagu Iibiyo

Beijing::June,19,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Chine, ayaa kor u qaadday caddaadiska iyo dhibaatada ay ku hayso Muslimiinta Dalkeedaa ku nool, waxana ay ka Mamnuucday inay Gutaan Waajibaadka Soomka Bishan Barakaysan ee Ramadaan.

chonSoonka Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa ah mid kamid ah tiirar ka Islaamka, waxaana qof kasta oo Muslim ah laga doonayaa in uu guto waajibka saaran uuna soomo inta lagu guda jiro Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Muslimiinta degan gobolka Xinjiang ee Dalka Shiinaha waxaa haysta Cadaadis adag  oo ay kala kulmayaan Xisbiga Shuuciga ah ee talada Dalkaasi haya, waxaana Muslimiinta kunool Gobolkaasi loo diiday inay soomaan.

Dadka Muslimiinta ah ee kunool gobolka Xinjiang ayaa sidoo kale lagu amray in aanay xidhi karin goobaha laga cunteeyo ay halkaasi ku leeyihiin , waxaana la saaray cadaadis aad u xoogan dadka Muslimiinta ah ee kunool Gobolkaasi.

Dowlada Shiinaha ayaa hore amar ugu soo rogtay muslimiinta kunool gobolka Xinjiang in Goobahooda ganacsi ay ku iibiyaan Sigaarka iyo Khamriga oo xaaraan ka ah in dadka Muslimiinta ah ay iibiyaan.

Waddamo badan oo Caalamka ku yaala ayaa cadaadis xoogan waxa ay ku hayaan dadka Muslimiinta ah ee ku dhax nool, waxaana wadamada ugu daran ee Muslimiinta lagu dhibo kamid ah Dalka Myanmar halkaasi oo lagu gumaado dadka Muslimiinta ah.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com