Uncategorized

Muuse Biixi Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Ka Dhoofay Seattle

Seattle June 05,2013(SDN)-Waxa madaarka caalamiga ah ee Sea-tac International Airport ee magaalada Seattle ee gobolka Washington ka ambabaxay wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo gobolkan ku joogay booqasho qaadatay Afar cisho,waftiga uu hogaaminayey gudoomiyuhu ayaa ka koobnaa Badhasaabkii hore ee gobolka Saaxil Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax)Gudoomiyaha Jaalliyada Somaliland ee Washington-DC Mudane Xaashi Ismaaciil iyo Samiir oo ka tirsan shaqaalaha TV-ga Qaranka.

Waftiga ayaa intii ay ku sugnaayeen gobolkan waxay kulamo la qaateen madax Maraykan ah iyo saraakiil ka tirsan City Of Sea-tac, iyagoo ka helay ballan qaad ah inay Somaliland ka caawin doonaan dhinacyada Maamul wanaaga, Qalabka Ciidamada nabadgelyada wadooyinka, qalabka ciidamada booliisku kaga hortagaan rabshadaha iyo sidii loo mataanayn lahaa labada magaalo ee Sea-tac iyo Hargeysa. Sidoo kale waftigu waxay kulan si heer sare ah loo soo agaasimay la qaateen bulsho-weynta reer Somaliland ee ku dhaqan gobolkan Washington iyo gobolada ku dhaw-dhawba.

Kulankan oo ahaa mid saacado badan qaatay ayuu gudoomiyuhu si habsami leh udulmaray marxaladahii kala duwanaa ee Jamhuuriyada Somaliland,isagoo hogatusaalayn fiican-na ka bixiyay sooyaalka taariikheed ee Somaliland leedahay,.Khud-bada waftiga oo dhamaystiranna waxaad ka daawan doontaa shaashadaha Tv-figa Qaranka Iyo Salaxleytv.

Ujeedada Socdaalka Hogaanka Xisbul Xaakimka iyo waftiga uu hogaaminayo ay ku marayeen gobolada kale duwan ee dalka Maraykanka ayaa iskugu jirtay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen xaflado kala duwan oo ka dhacayay gobolada dalka Maraykanka oo loogu dabaal degayay sannad guurada 22-tanaad ee kasoo wareegtay markii Jamhuuriyada Somaliland xornimadeeda dib u hanatay iyo sidii loo dardar galin lahaa taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ku leeyahay dalka Maraykanka.

Ugu dambeyntii waxa xusid mudan in xubno ka tirsan Ururweynaha Gaaroodi oo ah urur Samofal ah oo ka hawl-galla Hargeysa iyo Gobolka uu magaciisa ku suntan yahay ay qado sharaf ku sagootiyeen Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii la socdayba.

Khadar Ismaaciil Cilmi
Seattle Washington