|

Muuse Biixi oo argegixiso ku sheegay u saaray xaalka Laaska

Hargeysa January 30, 2023 (QJ) -Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Somaliland ayaa manta mar uu ka hadlayay xaalada Laascaanood waxa uu sheegtay in war fajac dhaliyay oo xaalada degaanada ka tagaan ku sifeeyay in ay ka danbeyso argagixiso.

Muuse Biixi ayaa shaagay in xukuumadiisu soo bandhig doonto cida leysay dadkii tirade badnaa ee lagu laaay Laascaanood iyo in arinka looga gol lahaa isku dirka shacabka iyo Somaliland.

Muuse Biixi ayaa khudbadiisii manta ku sheegtay in ciidamada Somaliland aaney ka bixi doonin degaanada SSC isla markaana ay sugi doonaan amniga.

Waxa kale oo uu sheegay in uu filayo in shirka madaxdhaqameedka uga socda Laascaano aaney ka soo bixi doonin arimo lidi ku ah Somaliland sidii buu yiri oreba dhici jiray.

Balse sida lala wada socdo, xaalada degaanada SSC ayaa sidaa ka duwan, waxaaney dadka degaanka iyo madaxdhaqameedkoodaba sheegeen in ay doonayaan in Somaliland degaanadooda ka Baxdo isla markaana ay maamul u gaar ah oo hoostaga Soomaaliya sameystaan.

Shir arinka looga arinsanayo oo madax dhaqameedku ku leeyihiin Laascaanoodna waxa uu galay maalintiisii sadexaad waxa la filayaana in manta ama beri la soo gunaanado.

Geesta kalena, Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa looga mamnuucay warbaahinta iyo wariyaasha ka howlgala Somaliland in ay baahiyaan wararka iyo warbixinada ka hadlaya xaalada magaalada Laascaanood.

Ammarkan ayaa imaanaya xilli shirka uga socda waxgaradka degaanada SSC magaalada Laascaanood la filayo in la soo gunaanado isla markaana laga soo saaro goaamo si weyn uga soo horjeeda in Somaliland dib ugu soo laabato magaalada Laascaanood.

Comments are closed