|

Qoyska Madaxtooyada oo ku adkeystay xadhiga Bushaaro Baandey

Hargeysa May 16, 2023 (QJ) – Wararka aanu ka heleyno ilo wareedyo ka agdhow Wariye Bushaaro baandey ayaa tibaaxaya in suxuufiyada laga qabtay Wajaale tiyoo ku sii jeeda magaalada Hargeysa oo inan ay dhashay uu ku xanuunsanayo.

Buushaaro baando oo aaney aheyn markii u horeysay ee ay xukuumada Kulmiye xabsiga dhigto ayaa si isku dhaf ah u werisa xogaha ku saabsan arrimaha Somaliland.

Wariye Bushaaro ayaa la sheegay in xadhigeeda laga soo maleegay madaxtooyada oo dhibsatay xogo ku saabsab Cadaalada, Saamiqeybsiga iyo Doorashooyinka.

Waraka horudhaca ah ee haatan soo baxaya ayaa sheegaya in suxuufiyada loo diiday in eheladeedu ay arkaan, taana waxa loo fasirtay in Bushaaro la jirdilay intii ay ku jirtay gacanta sirdoonka guracan.

Xubnaha Kulmiye ee ay isku beesha yihiin Suxuufiyada isla markaana madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday indhola’aanta ku taageera ayaa la sheegay in madaxtooyadu dhegaha ka fureysatay dalab siideyn ah.

Masuuliyiintaa oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha Guddaha ee xukuumada mudo dhaafka ah Maxamed Kaahin ayaa la sheegay in saraakiisha beesha madaxweynaha ee xabsiga dhigay suxuufiyada ay diideen in ay arinka suxuufiyada kala hadlaan lana kulmaan.

Sidoo kale, Bushaaro oo si weyn u soo tebin jirtay waraka siyaasiga Maxamuud Xaashi, ayaan weli xarigeeda ka hadal.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee Buushaaro Baandey ayaa heysata Dhalashada dalka UK, waxaana la filayaa in dawladasi durtaba saarto cadaadis madaxtooyada Hargeysa.

Comments are closed