Uncategorized

Nicholas Kay oo baaq ka soo saaray shirarka Baydhabo

Nairobi 03.March 2014 (SDN)- Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa sheegay inuu si dhow u eegayo shirarka ka socda magaalada Baydhabo iyo natiijadii shirkii maanta.

Nicholas-Kay.1Labo shir oo midkood la sheegay in maamul loogu sameynayo saddex gobol iyo mid kale oo lix gobol maamul loogu sameynayo ayaa bilihii dhowaa is-barbar socday, waxayna taasi dhalisay qilaafyo siyaasadeed.

Mid ka mid ah shirarkaas ayaa maanta lagu doortay hoggaan, iyadoo qeybaha bulshada iyo siyaasiyiinta ay ku kala aragti duwan yihiin shirarka.

Nicholas Kay ayaa dhinacyada ku shiraya Baydhabo ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara gacan-ka-hadal wax u dhimaya amniga.

Wuxuu sheegay in sanadkan uu muhiim u yahay midnimada iyo helidda Soomaaliya oo xasilan oo uu ka hir-galo nidaam federal ah.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay  ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadda, odayaasha iyo qeybaha bulshada inay ka go’naato wada-hadalka siyaasadeed, isla markaana la tixgeliyo Dastuurka Federaalka ah ee Kumeel-gaarka ah iyo heshiisyada jira.

Wuxuu ugu dambeyn xusay baahida loo qabo in dowladda ay dar-dargeliso wajibaadkeeda ku aaddan hannaanka dhismaha maamul ee Soomaaliya, iyadoo ku hoggaamineysa hab loo dhan yahay.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com