Uncategorized

Dr:Madoobe Nuunow Oo Loo Doortay Madaxweynaha 6-Da Gobol Ee Kufurta Galbeed Somalia‏ iyo Shir ka soo Hor jeeda oo ka Socda Baydhaba

Baydhaba 03.March 2014 (SDN)- Goor dhow ayuu ku soo gaba gaboobay Xarunta ADC ee magaalada Baydhabo tartankii doorashada hogaanka Maamul goboleedka Koofur Galbeed  Soomaaliya oo ka kooban lix Gobol, iyadoo lagu doortay Madaxweyne Dr:Madoobe Nuunow Maxamed .

dr madoobeMadoobe Nuunow Maxamed oo horay Wasiir iyo Xildhibaan ugu soo noqday Dowladihii KMG ahaa ayaa ku guuleystay doorashada, isagoo helay codod dhan 44 cod oo ka mid ah 73-da xubnood ee Golaha Guurtida.

Musharaxiinta ku loolamaya doorashada ayaa gaarayay ilaa 7-musharax, waxaana wareega labaad isugu soo haray saddex musharax oo kala ah Madoobe Nuunow, Maxamed Aadan Fargeeti iyo C/fataax Ibraahim Geesey oo ahaa Gudoomiyihii hore Gobolka Baay.

C/fataax Geesey ayaa tanaasulay, waxaana wareega ugu dambeeya isugu soo haray Madoobe Nuunow iyo Maxamed Aadan Fargeeti, waxaana Madoobe Nuunow

uu ku guuleystay 44 cod, halka Maxamed Aadan Fargeeti uu helay 23-cod, iyadoo intii ay socotay codeynta ay jireen codod xumaaday.

Intaas kadib ayaa waxaa madasha ay ka dhacday doorashada waxaa ka bilowday sawaxan iyo isu hambalyeyn, waxaana munaasabada doorashada goob

joog ka ahaa xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Afaraale iyo Sheekh Aadan Madoobe

Maamulka Koofur galbeed ee Soomaaliya waxaa uu ka kooban yahay lix gobol oo kala ah Bay, Bakool, Shabeelaha Hoose, Gedo, Jubada Hoose iyo Jubada  Dhexe, iyadoo dowladda Soomaaliya ay horay u cadeysay inay ka soo horjeedo maamulkan.

War saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa lagu cadeeyay mowqifka dowladda ee shirarka iska soo  horjeeda, iyadoo dowladda sheegtay inay aqoonsan tahay Maamulka saddexda Gobol, maadaama midka lixda gobol uu ka hor imaanayo saddexda gobol ee maamulka KMG ee Juba uu ka arimiyo ee kala ah Gobolada Jubada Hoose,  Jubada Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale xubnaha ku shirsan Hotelka Bakiin ee u fadhiya dhismaha maamulka saddexda gobol ayaa sheegay in maalinta khamiista ay dooranayaan Madaxweynaha Maamulkaas

Baydhaba SDN.

Qurbejoog.com