|

Norway Inkabadan 100-Soomaali ah Kala Noqonaysa Dhalashada Waddankeeda Iyo Sababaha Keenay

Oslo:Jan,31,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Norway, ayaa shaacisay inay  dhalashada waddankeeda kala noqon doonto ugu yaraan 100-soomaali oo lagu eedaynayo inay sharciyadda waddankaas ku heleen hannaan been abuur ah.

tegorAgaasinka socdaalka Norway ayaa sheegay inay ogaadeen magangalyo doonayaal isku dhiibay inay yihiin Soomali balse ka yimid wadamada dariska la ah Soomaliya sida Kenya, Ethiopia, Tansania iyo Jabuuti , isagoona intaas ku daray muddo sanado ah ina hay’addu ku howlanayd siday u dhabar wareemi lahayd kuwa beenta ka sheegay halkay ka soo hayaameen.

Sida uu baahiyay muuqaal baahiyaha qaranka Norway NRK, in kabadan 100 qof Soomali ah wadankana daganaa inta u dhexeysa 10 ilaa 15 sano oo ayaa loo diray waraaqo lagu wergelinayo in laga ceshanayo dhaashadda Norway, maadaama jinsiyadooda been ka sheegeen.

Karl Erik Sjøholt oo ka tirsan waaxda socdaalka ayaa NRK u sheegay in shakkiga ugu weyni uu galay kadib markii magangalyo doone sheeganaya Somali uu ku hadli kari waayay hal kelmad oo af Soomaali ah sanadkii 2003 -dii, wakhtigaas kadibna ay bilaabeen in cod laga duubo soogalootiga cusub, si loogu bandhigo khubaro ku xeel dheer afka Soomaliga iyo lahjadihiisa kala gadisan.

“Kuwa la ogaado inay ka been sheegeen dalkooda hooyo dowladda Norway waxay kala laabanaysaa dhalasha wayna musaafurinaysaa” ayuu yidhi Sjøholt, isagoona carabka ku adkeeyay inay tahay khiyaano, cawaaqib xumada ka dhalatana saamayn ku yeelan doonto xattaa caruurtay ku dhaleen dalka Norway.

Khaled Ahmed oo ahaa siyaasi ka tirsanaan jiray xisbiga shaqaalaha xilal sarena ka soo qabtay dalka, sida xildhibaan gobol ayaa lagala noqday dhalashadii kadibna laga musafuriyay Norway, kadib markii la ogaaday inuu yahay Jabuutiyaan isku dhiibay Soomaali.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed